Iran Oo Shaacisay In Aanay Fulinayn Xayiraaddii Heshiiska Nukliyeerka

0
Monday January 06, 2020 - 07:59:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iran Oo Shaacisay In Aanay Fulinayn Xayiraaddii Heshiiska Nukliyeerka

    Iran ayaa shaacisay in aanay hadda ka dib fulin doonin xayiraadihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iran ayaa shaacisay in aanay hadda ka dib fulin doonin xayiraadihii
heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ku waajibinayey.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in aanay hadda ka dib tixgelin doonin xayiraaddii tayeynta Uraniam-ka oo aanay xadidi doonin xaddiga ay samaysanayso iyo sidoo kale horumarinta cilmibaadhista ba.

 

Warkan ayaa waxa la shaaciyey shir uu golaha wasiirada ee Iran ku yeeshay xarnta Tehran ka dib.

 

Waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo ay sii kululaatay xiisaddii ka dhalatay dilkii Jeneraal Qaasim Sulaymaani ee Maraykanku ku khaarajiyey Baqdaad.

 

Trump: Mareykanka waxuu weerari doonaa 52 goobood oo Iran laf-dhabar u ah

 

Iran oo sameysaneysa gantaallo ay ka qayliyeen reer galbeedka

 

Heshiiskaa 2015 waxay Iran ku aqbashay in ay xaddido hawlaheeda nukliyeerka isla markaana u ogalaato kormeerayaal caalami ah in ay la socdaan hawlahaa, waxa iyadana loo ogolaaday in laga qaado cunoqabatayntii dhaqaale ee curyaamisay.

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa se heshiiskaa ka baxay 2018, waxaanu sheegay in uu doonayo in uu Iran ku dirqiyo in ay heshiis cusub oo hawlaheedaa nukliyeerka si buuxda u joojinaya ay saxeexdo oo ay sidoo kalena ku joojiso horumarinta sawaariikhdeeda.

 

Iran way ku gacan saydhay arintaa ilaa waagaana waxay si isa soo taraysa u joojinaysay fulinta qodobada heshiiskaas.

 

War laga sii daayey Telefishanka Dawladda ee Iran ayaa lagu sheegay in aan dalku hadda ka dib tix gelin doonin xadidaadii heshiiskaa 2015 dhigayey.

 

"Iran waxay sii wadi doontaa tayeynta nukliyeerkeeda iyada oo aan wax xayiraad ah isa saarayn sababtuna waa in ay soo baheen baahiyo farsamo" ayaa warkaasi sheegay.

 

Hase yeeshee, warkaa laguma sheegin in Iran ka baxday heshiiskaa, waxaanu intaa ku daray warku in Iran ay sideedii caadiga ahayd ula shaqayn doonto hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerka ee IAEA.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in Iran diyaar u tahay in ay fuliso waajibaadka heshiiskaasi saaray marka ay aragto in la fuliyey ballanqaadkii heshiiskaasi lagu siiyey.

 

War fidiyeenku waxay sheegayaan in hadalkaa macnihiisu yahay in iibkii saliidda Iran ay caqabad ku noqotay cunaqabataynta Maraykanku saaray.

 

Iran waxay sidoo kale had iyo goor ku nuuxnuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku gebigiisuba yahay mid nabadoon.

 

Dalalkii kale ee heshiiskaa 2015 qaybta ka haa ee kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Shiinaha iyo Ruushku waxay isku dayeen in aan heshiiskaasi burburin, laakiin cunoqabataynta Maraykanka ayaa kalliftay in wax soo saarkii saliida Iran dumo qiimaha lacagteeduna dhulka galo oo sicir bararku cirka isku shareero.

 

BBC


Loading...
Loading...