Shirkadda Telesom iyo Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Afrika oo Si Wadda Jir ah u Daahfuray Adeegga Cusub ee Xoogsade
ee horumarinta Afrika ayaa maanta si wadda jir ah u daahfuray adeegga cusub ee Xoogsade, Adeegan oo kuu sahlaya in aad dalban karto farsamo-yaqaano xirfad leh adiga oo jooga gurigaaga iyo goobtaada shaqo.
Munaasibada
lagu daah-furaayey adeegga Xoogsadda oo ka dhacday xarunta shacabka ee
shirkadda Telesom waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda
Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda
Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xog-hayaha Rugta Ganacsiga Somaliland,
Guddoomiyaha Daladda SONYO, masuuliyiin ka socotey hay’addaha goloyaasha
qaranka, Shirkadaha ganacsiga, ururadda rayidka ah, farsamoyaqaano ka
qaybgalay iyo marti-sharaf kale.
Munaasibada
waxaa ka hadashay Garyaqaanadda Guud Telesom marwo Ilhaan Dahir Xasan
waxaanay sheegtay in adeegan (XOOGSADE) uu shaqo-abuur u sameyn doono
dadka leh xirfadaha: cunto-karinta, cilaan-saarka, biyo-galinta,
dhismaha, nijaaradda, makaanikada iyo timo-jarista. Garyaqaan Ilhaan
ayaa sidoo kale sheegay in adeeggan Xoogsade uu si weyn uga faa’iidi
doonaan haweenku.
Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) Madaxa Waaxda Iib-geynta ee shirkadda Telesom ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeeggan Xoogsade, waxaanu sheegay in adeegani uu isku xidhi doono qofka xirfadda leh iyo qofka doonaya in loo qabto adeeg. Madaxa Suuq-geynta Telesom ayaa sheegay in adeegani uu kaga duwan yahay adeegyadda kale, qof doonaya in shaqo loo qabto uu helaayo qof xirfaddiisa la hubo lana xaqiijiyey xirfadiisa, tababar-na la soo siiyey, akhlaaqdiisu dhisan tahay. Haddaba qof doonaya inuu helo qof xirfadle ah, waxa uu garaacayaa lambarka *403# si bilaash ah.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo bulshadda ku dhiiri-galinaysa in laga faa’iidayso barnaamijkan ayaa tidhi, "In aynu farsamadan oo kale ka faa’iidaysanaa waxay sababeysaa saddex shey: Marka koowaad dadku inay dalkiisa ku nagaadaan, sababtey ugu nagaadayaana, waa inay ka baxaan shaqo la’aanta baahsan; marka labaad qofku inuu noloshiisa oo dhameystiran heli karo, waayo dhaqaaluhu waa waxa adigana wax kaa dhigaya qoyskaagana wax ugu qaban karto; ta saddexeysaana waxaa weeye inaynu qarankeena wax ku celin karno”.
Qaar
ka mid ah masuuliyiintii soo tababaray xirfadlayaasha ayaa u mahadnaqay
shirkadda Telesom iyo hay’adda Maraykanka ah ee Horumarinta Afrika oo
maal-galisay xirfadlayaasha barnaamijkan lagu bilaabay ee tababaradda la
siiyey. Waxaanay soo dhaweeyeen Adeeggan Xoogsade oo ay sheegay in uu
yahay barnaamij tiknoolajiyeed oo xaliyey dhibaatadda dadka ka haystay
inay helaan farsamoyaqaano aqoon leh soo ay si degdega u heli karaan
iyagoo ka faa’iidaysanaya tiknoolajiyada.