Faallo:-Kornayl Caarre iyo Kornayl Biixi Iyamaa Adkaadday?!

0
Sunday January 05, 2020 - 20:31:53 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Kornayl Caarre iyo Kornayl Biixi Iyamaa Adkaadday?!

    Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in dagaalkii iyo Xafiiltankii siyaasaddeed ee labadda Kornayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in dagaalkii iyo Xafiiltankii siyaasaddeed ee labadda Kornayl
Hargeisa(HWN):-labaddii Sanaddood ee u dambeeyay waxa si wayn isku hayay labadda Kornayl ee maalintii dhawayd uu is af-garadku dhex-maray waa Kornaylka Jabhadda hoggaamiya ee Caarre iyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland.

jabhadda Kornayl Caarre waxa ay ka dhalatay Dulmigii, eexdii, Sharci-daraddoo, Musuqmaasuqii iyo fool-xummooyinkii ku xeernaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaannu bulshadda reer Somaliland ugu baaqi jirey inay Dulmiga diiddaan, isla markaanna u kacaan Xaqa iyo Sinnaanta Shacabka.
Image result for kornayl caare iyo muuse biixi cabdi


Kornayl Caarre waxa uu sheegay wakhtigii uu aasaasay Jabhadda inay ka soo horjeeddaan Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, taasoo uu ku eeddeeyay inay ku dhisan tahay qaab eex iyo caddaalad-darro, isla markaanna uu dagaal fool ka fool ah ku soo qaaddi doonno, inkastoo ay dagaalo dhawr ahi ka dhaceen deeggaanada gobolka Sanaag, haddana waxba may soo gaadhin Caasimadda iyo gobollada kale midnaba.

Markii uu kornayl Caarre tallaabaddaas qaadday waxa gobolka Awdal ka bilaabmay dhaqdhaqaaq Jabhad la baxday Cawaale oo iyagunna sheegay inay ka soo horjeeddaan Dulmiga iyo Caddaalada iyo Eexda Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, hase yeeshee dhawr Cisho uun markii ay jirtay ayaa Madax-dhaqmeed arrintaas isu xil-qaamay ay soo af-jarreen, waxaannay jabhaddaas arrinteedda lagu dhammeeyay in wxii tabasho ah ee ay qabbaan Xukuumaddu diyaar u tahay inay wax ka qabtaan iyaddoo wax dhiig ahi ku daaddan, waxaanna dhanka Xukuumadda arrintaas guddoonkeedda qaadday Cabdiraxmaan Saylici.

Haddaba, marar badan ayaa Odayaal dhaqmeed ka soo jeedda Beesha Kornayl Caarre ay isku dayeen inay dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo Kornayl Caarre, balse talaabaddaas waxa diidday oo meel adag iska taagay Kornaylka hoggaamiyaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaannay dadka falan-qeeya Siyaasadda Somaliland ay ku tilmaameen Kornayl Muuse Biixi innuu yahay ruux go'aan adag oo aan tanaasulka aqoon.

Madaxweynaha Somaliland Kormayl Muuse Biixi Cabdi oo Madaxtooyadda ku qaabillay Madax-dhaqmeedka iyo Waxgaradka beesha Garxejis waxa ay ka codsaddeen innuu cafiyo Kornayl Caarre iyo Jabhaddiisabba, arrinta Jabhaddaas oo dheg-xumo Somaliland ku ahna halkaas lagu dhammeeyo, balse Muuse Biixi Cabdi waxa uu Madax-dhaqmeedkii iyo Waxgaradkii beeshaas Garxejis u sheegay inaanu arrintaas Cafiska Kornayl awood sharci u lahayn, hase ahaatee inta ka hoosaysa waan Cafiyay ayuu ugu hal celiyay.

Ha-yeeshee markii uu Kornayl Caarrena halkiisii ka soo dhaqaaqi waayay, waxa mar kale arrintii dib u galay Madax-dhaqmeed uu hoggaaminnaayo Suldaan Maxamed Xirsi qani Illaahay caafimaad sarreecanna ha siiyee, waxaanna labadda Kornayl waa Muuse iyo Caarree lagu dhexdhexaadiyay innuu Caarre lacag Haaf Million ah qaato sida aannu wararka ku helnay, isla markaanna dalka dibaddiisa uu u baxo, Ciiddanka uu haystayna lagu wareejiyo Xukuumadda, kuwaasoo oo loo balan-qaadday in lagu taxo darrajooyin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in dagaalkii iyo Xafiiltankii siyaasaddeed ee labadda Kornayl uu ku guulaystay Kornayl Siciid Jaamac Caarre, isla markaanna laga adkaadday Kornaylkii go'aannada adkaa ee Muuse Biixi Cabdi.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...