Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddi Aan Wakhtigeedii La Joogin

0
Sunday January 05, 2020 - 15:34:24 in News by
  • Visits: 2246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddi Aan Wakhtigeedii La Joogin

    Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddi Aan Wakhtigeedii La Joogin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddi Aan Wakhtigeedii La Joogin


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudaneXasan Cali Khayreayaa maanta magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26ka June iyo 1da July.




Wasiirka warfaafinta XFS ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.


Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020 iyaga oo kaashanaya madaxda dowlad gobaleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee heer gobal iyo heer degmo, in shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay ku dhiirri geliyaan muhiimadda ay leedahay xuska maalmaha xorriyadda iyo inay dhisaan guddi hoosaadyo ay ku jiraan howl-wadeenno, xildhibaanno, aqoonyahanno, Salaadiin, ururrada haweenka, ururrada dhallinyarada, jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.


Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...