Liibiya: Weerrar cirka ah oo lagu qaaday iskuul milateri oo ay dad badan ku dhinteen

0
Sunday January 05, 2020 - 11:10:40 in News by
  • Visits: 2045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liibiya: Weerrar cirka ah oo lagu qaaday iskuul milateri oo ay dad badan ku dhinteen

    Liibiya: Weerrar cirka ah oo lagu qaaday iskuul milateri oo ay dad badan ku dhinteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liibiya: Weerrar cirka ah oo lagu qaaday iskuul milateri oo ay dad badan ku dhinteen

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday iskuul milaterigu uu leeyahay oo ku yaal caasimadda Liibiya ee Tripoli, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.

Ma ay cadda faafaahinta weerrarkaasi hasayeeshee wararku waxa ay sheegayaan in weerrarka ay soo qaadeen ciidammada fallaagada ee daacadda u ah Janaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo saldhiggiisu uu yahay bariga Liibiya.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya maydad daadsan barxadda iskuulka la weerraray.

Dowladda Liibiya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay ayaa waxa ay la dagaalamaysay xooggaga kacdoonka ee uu hogaaminayo Janaraal Xaftar.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Heshiiska Qaran lagu dhisay ee Liibiya, Amin al-Haashimi, ayaa sheegay in "Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday iskuul milateri oo ku yaal Tripoli lagu dilay 28 qof tobannaan kalana lagu dhaawacay".

Liibiya ayaa waxaa ka dhacayay qulqulatooyin iyo kala qeybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hogaamiyihii mudada dheer dalkaasi maamulayay Mucamar Qadaafi kaddibna la dilay 2011.

LiibiyaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDab ka dhacay duqeyn lagu bartilmaameedsaday goob ku taal magaalada Tripoli (sawir hore)

Wixii markaa ka dambeeyay dalka waxaa halakeeyay dagaal sokeeye iyadoo aanay jirin cid si buuxdo dalka u wada maamusho.

Bishii Abriil ee sanadkii tagay ayey aheyd markii Janaraal Xaftar uu weerrar ku ekeeyay magaalada Tripoli, weerrarkaas oo uu ku doonayay inuu magaalada kaga saaro dowladda uu caalamku aqoonsan yahay.

Turkish members of parliamentLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBaarlamaanka Turkiga

BaarlamaankaTurkiga ayaa Khamiistii meelmariyay hindise sharciyeed u ogolaanaya dowladda Turkiga inay ciidamo u dirto Liibiya.

325 xildhibaan ayaa u codeeyay in ciidamo loo diro Liibiya halka 184 ay ka soo horjeesteen.

Xukuumadda Turkiga ayaa saaxib dhaw la ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

Dowladda Liibiya ayaa dagaal kula jirto ciidamo uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Xaftar oo fadhigoodu yahay bariga Liibiya.

Dowladda Masar, oo taageerta Janaraak Xaftar, ayaa cambareysay go'aanka baarlamaanka Turkiga waxayna saraakiisha Masar sheegeen in arrintan "ay si xun u saamaynayso xasiloonida Liibiya".

QaxootiLahaanshaha sawirkaAFP

Qaramada Midoobay ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii hore waxa ay sheegtay in gantaal dhimasho badan sababay oo horraantii bishii Luuliyo ee 2019 ku habsaday xero ku taal magaalada Tripoli ee dalka Liibiya oo ay ku jireen dad muhaajiriin ah ay soo ridday diyaarad dagaal oo laga leeyahay waddan shisheeye.

Baaritaan aan wali la shaacin oo ay Qaramada Midoobay sameysay oo nuqul ka mid ah ay heshay BBC-da laanteeda Af-Carabiga ayaa lagu sheegay in xilligaas waddanka Imaaraadka Carabta uu ku socday baaritaan la xiriira weerarkaasi. Dowladda Imaaraadka ayaanan waqtigaas ka hadlin arrintaasi.

QaxootiLahaanshaha sawirkaREUTERS

Weerarkaasi Luuliyo 2019, ayaa waxaa ku dhintay 53 qof oo muhaajiriin ah, halka ay ku dhaawacmeen 130 kale.

Xerada uu weerarka ka dhacay waxaa ku jiray dad Soomaali ah oo ka mid ahaa muhaajiriintii halkaasi lagu hayay.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa weerarkaasi ku tilmaantay in uu noqon karo dambi dagaal.

Dadka ku dhintay duqeyntaasi loo geystay xerada Tajoura oo ku taal bariga magaalada Tripoli ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay ahayeen dad Afrikaan ah oo isku dayayay in ay u tallaabaan dhanka qaaradda Yurub. 




  BBC Somali

Loading...
Loading...