khasaaraha uu Ayaxa ka geystay Soomaaliya oo la shaaciyey

0
Sunday January 05, 2020 - 10:44:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    khasaaraha uu Ayaxa ka geystay Soomaaliya oo la shaaciyey

    War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Kenya


Hay’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FAO oo sheegtay in ayaxa ku soo duulay Soomaaliya iyo Itoobiya uu gaystay khasaare dhul beereed oo gaaraya 70,000 oo Hiktar.

 

Kadib markii ayax farabadan uu dhibaatooyin u gaystay dhul beereedyo aad u balaaran oo ku yaala Wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya ayay dawladda Kenya maanta oo sabti ah ku dhawaaqday in ay hawada ka buufin doonto sadaex gobol oo ka tirsan waqooyiga bari ee dalkaas kenya, si ay uga hortagto khasaaraha balaaran ee ayaxaasi u gaysan karo dhul beeraadka wadanka Kenya.

 

Hadal ka soo baxay Dawladda Kenya ayaa lagu sheegay in raxan cayayaan ah oo la mid ah Ayaxa ay u soo gudbeen sadexda Gobol ee kala ah Wajeer, Marsabit iyo Mandhera 28-kii bishii December, Iyadoo Kenya intaas ku dartay inay heshay awoodii ay ku buufin lahayd hawada taasoo bilaabatay maanta oo Sabti ah.

Image result for anyaxa


 

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Kenya ay soo iibsatay 3,000 oo litar oo kiimiko ah, si ay ugu buufiso hawada, Iyadoo sidoo kalena u qaybin doonto dadka deegaanka gobolada laga cabsida qabo in ayaxu waxyeeleeyo.

 

Hay’adda cunada iyo beeraha adduunku ku tilmaantay duulaankii ugu waynaa ee ayaxaasi ku soo qaado geeska Afrika muddo 70 sano ah.

Loading...
Loading...