Dhalinyaradi Waxay Tidhi Dawladnimo Aanu Dhaafnoo, Dhaxayska Qodaneedhaqso Oo Run Noo Sheeg
Dhulkaygoow Dhulkaygoow, Dhaxalkii Awowow, Dhaqaalaha Xumaadeen, Sees Wanaagsan Dhigin
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
DHULKAYGOOW DHULKAYGOOW,DHAXALKII AWOWOW,
DHASHOODII WAXAN AHAY,KUWII DHIIGA KUU HURAY,
DHAMAANTEED ADUUNYADU,NAGA DHEGO ADAYGTO,
DURSUGNO IN BADAN BAAN,SOO DHABAR ADAYGNAYE.
DHULKAYGOOW DHULKAYGOOW,DHAXALKII AWOWOW,
DHAQAALAHA XUMAADEEN,SEES WANAAGSAN DHIGIN,
DHAMAYNOO TACLIINTII,DHEEF LAGUMA CUNIN WELI.
DHULKAYGOOW DHULKAYGOOW,DHAXALKII AWOWOW,
DHOOFKII BADAHIYO,XAMARNA DHIMASHO WEEYAAN,
HADDII AAN DHAQAAQAN,WAALIDKII NA DHALAYEE,
NA DHOOLDHOOLINAYAN,DHULKA QABAN HAYNON.
DHIB KALE UGA BAQAYANAA,DHARAAR MAANU JOOGNEN,
DHAARTA KUWII U MARAYOW,DHAQSADO KEENA TALADAY,
DHALINYARADU SUGAYAAN,HADDII KALE DHAB NOO SHEEG,
DHAGAXA AANU QODANOO,DAWLADBA AANU DHAAFNEE.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...