Cali Baqdaaddi:-Tuhunnada Ku Xeerran Dhismaha Hotelkiisa!

0
Monday December 30, 2019 - 22:41:56 in Featured by Hadhwanaag News
  • Visits: 2906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaaddi:-Tuhunnada Ku Xeerran Dhismaha Hotelkiisa!

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,
Hargeisa(HWN):-Waxaad la socoteen dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaaddi), oo Warbaahinta horteedda kaga faannaaya innuu dhistay Hotel wayn oo casriya, waxaannu sheegay inay Hargaysi u baahan tahay Hotello badan.




Guddoomiye Cali Baqdaaddi waxa uu daboolka ka qaadday in marka uu dhammaystirmo Hotelkan uu gacanta ku hayo, innuu rajaynaayo dhismaha Hotel labbaad oo casriya, kaasoo uu sheegay innuu ka hir-gelin doonno Xaafadda Masalaha ee koonfurta Caasimadda Hargeisa.

Haddaba, su'aalaha iswaydiinta muddani waxay tahay xaggee ayay lacagtaasi ka soo gashay guddoomiye Cali Baqdaaddi? Ma lacagtii Shacabka masaakiinta ah laga soo aruuriyay-baa? Cali Baqdaaddi ma sheeggaa meesha uu lacagtaas ka keennay? Ummadda reer Somaliland ma u baahan yihiin inay ogaaddaan Guddoomiye Baqdaaddi meesha uu Hantidda intan leeg ka keennay inay Cashuurtooddii tahay iyo in kale? Maxaa Hotelka Cali Baqdaaddi Ciiddanka loogu wareejiyay ee qofkii Camara ama Mobile la ag-maraba Xabsiga loo dhigaa? Haddaan xatooyo qaran jirin maxaa Xadhig iyo awood Ciiddan keennay? Adiguba caqlaad leedahee maxaa habbeenkii sacabka loo tumaa, haddaan xeeladdi ku jirin?!

Dhammaan su'aalahaasi waa kuwo u baahan innuu Guddoomiye Cali Baqdaaddi uga jawaabo Shacabka reer Somaliland. Waan hubbaa inaanu Guddoomiye Cali Baqdaaddi madal furan aannu kaga jawaabbi karin tuhunnada ku xayndaabban siyaasaddiisa ku dhisan ganacsiyaynta iyo ka faa'iidaysiga kursiga uu Madaxweynuhu u igmadday innuu ugu shaqeeyo ummadda reer Somaliland.

Soomaalidu waxay odhan jirtey "Mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii siddo" Waxaan uga socdaa toddobaadkii aynu soo dhaafnay dhismaha hotelka Guddoomiye Cali Baqdaaddi ee Caasimadda Hargeisa waxa lagu xidhay laba Arday oo sida naloo xaqiijiyay dhismaha hotelka meel u dhaw taagnaa oo Ciiddankii ilaalinnaayay uga shakiyeen inay Sawirro ka qaadayeen dhismaha Hotelka.

Wararka aannu ka helnay Xadhiga labaddaas Arday waxa kaloo ay sheegayaaan in labadda Arday ay la soo baxeen Mobille-doodda, isla markaanna ay Sawirro ka qaadanayeen dhismaha Hotelka Guddoomiye Cali Baqdaaddi.

Si kastaba ha ahaatee, maxay tahay Cabsidda uu ka qabo Sawirka Guddoomiye Cali Baqdaaddi? labaddan ruux ee dhalinyaradda ahi Sawir ha qaaddaan ama yaannay qaaddinne waxa muuqata in Guddoomiye Cali Baqdaaddi uu sameeyay Xatooyo qaran, isla markaanna uu Hantiddii qaranka ee Masuulka looga dhigay uu uga faa'iiddaystay hab musuq-maasuq ah oo sharciyadda dalka iyo sharciga islaamka xadgudub ku ah, waxaanna taas u dalliil ah ficillada gurracan iyo awoodda Ciiddan ee uu isticmaallaayo, hase-yeeshee waxa iman doonta maalin waxkastaabba ay caddaan noqon doonnaan.

Faallo:-Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...