Gudiyada Baarlamaanka Puntland Oo Kormeer Ku Tagay Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Boosaaso
EYL & QARDHO
Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa socdaalkii 1aad ku tagay Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Dec 24, 2019 si ay ugu kuur-galaan xaaladda dhabta ee degaanka. Guddiga ayaa kulamo la yeeshay Duqa Degmada & qeybaha kala duwan ee shacabka degaanka, sidoo kale waxay kormeer ku tageen xaafadaha ay saameynta ku yeesheen roobabkii dhawaan da'ay kuwaas oo burbur u geystay hanti badan.
Dhanka kalena, Dec 26, 2019 waxay kormeer shaqo ku tagay magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar si ay ugu kuur-galaan xaaladda dhabta ee degaanka, Guddiga ayaa kulamo la yeeshay Gudoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa magaaladda Qardho Mudane. Cabdi Siciid Dheere & Xildhibaanada Golaha degaanka, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane. Siciid Maxamed Faahiye iyo qeybaha kala duwan ee shacabka degaanka.
BOOSAASO
Sidoo kalena, Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Magaalada Boosaaso ayaa booqday Xabsiga Dhexe iyagga oo sidoo kalena kulamo la yeeshay Taliyaha xabsiga & ku xigeenkiisa, iyagga maxaabiista ku xiran xabsiga ka dhageystay cabashooyinkooda ku saabsan waxay tabanayaan. Dhanka kalena, waxay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane. Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan).
Guddiyada Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale booqan doona dhammaan Gobolada Puntland si ay u soo ogaadaan xaaladaha degaanada.
XAFIISKA WARFAAFINTA & WACYIGELINTA
GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND
EMAIL: [email protected]


0 





