Hogaamiye Muuse Biixi Oo qaabillay Weftiga Maamullada DDS Iyo Oromiya Ee Ethiopia
Hogaamiye Muuse Biixi Oo qaabillay Weftiga Maamullada DDS Iyo Oromiya Ee Ethiopia

Hargaysa (HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan salaan ah la qaatay weftigii ka socday Killiladda Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federaalka Itoobiya.
Weftigaasi Somaliland booqashada shaqo ku joogay ayaa ka qayb galay bandhiga carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland oo shalay uu madaxweynuhu furay.

Waxaana weftigana ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ka yimid hoggaaminaya madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs. Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta madaxtooyadda.
Iyadoo labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyay.
Kulankaasi salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda Itoobiya waxaa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





