Xukuumadda Somaliland oo Digniin u dirtay Dalalka Caalamka Iyo Hay'addaha Caalamiga ah
Xukuumadda Somaliland oo Digniin u dirtay Dalalka Caalamka Iyo Hay'addaha Caalamiga ah

Hargaysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale daboolka ka qaadday, isla markaanna ku celisay go'aankeeddii ahaa Xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka beesha Caalamka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay ku celisay in dalalka Caalamka iyo Hay'adduhu ay Somaliland ula dhaqmaan dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya inteedda kale. Waxaanna loogu baaqay in safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawl-gala gudaha Somaliland ay dhawraan qarannimada Somaliland.

Sidaasina waxaa laga sheegay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinayay madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa lagu sheegay inay reebban tahay in aan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland.
Sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso.
"Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya.
Sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland.
Kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaan qoraallada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah.
Waxaa reebban in aan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland.
Sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
Dhinaca kale isla shirkii maanta ee golaha wasiirrada Somaliland ayay wasiirradu ansixiyeen siyaasadda qaranka ee maalgashiga dalka, kadib markii ay wasiirradu dood iyo falayn ka yeesheen.
Sidoo kale fadhigii maanta ee golaha wasiirrada Somaliland ayaa golaha loo qaybiyay nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga. "Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyay nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga. Waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka”.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





