Ugaaska Beledweyne Oo Ka Horyimid Qadiyada Somaliland, Guddidii Somaliland-na U Sheegay In Soomaaliya Mid Tahay
Baladweyne(HWN):-Guddidii ka socotay xukuumada somaliland ee gurmadka gaadhsiisay dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada ee gobolka Hiiraan ee dalka soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee gobolkaasi.

Kulankan oo ahaa qado sharaf uu Ugaas Khaliif ku maamusay guddida ka socotay somaliland ayaa laysku waydaarsaday aragtiyo la xidhiidha midnimada soomaaliya iyo gooni isu taaga somaliland.
Ugu horayn Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka hadlaya midnimada soomaalida ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Walaalayaal soo dhawaada, waanad mahadsan tihiin mar labaad, dadku waa soomaali, soomaaliduna waa mid, Soomaalida wax ayaa ka khaldan oo dadku isma diidana, suaashuna waxay tahay yaa is diidan, ma dhaqanka ayaa is diidan mise siyaasada ayaa is diidan, taas ayaana laydinka doonayaa inaad jawaab ka bixisaan”
Dhinaca kale gudoomiyaha guddida somaliland ee gurmadka gaysay gobolka Hiiraan Jamaal Caydiid Ibraahin oo ka hal celiyey hadalka Ugaaska ayaa sheegay in hada somaliland ay go’aan ka tahay inay sidaas kaga go’aan somaliya waxaanu yidhi "Barigii hore ee lixdankii samafalkii weynaa ee aanu samaynay ka dib waxaad noo bixiseen QALDAAN, niman si deg deg ah u yimid oo hawshiina si fudud u galay laakiin caynkaas may ahayne waxay ahayd soomaali jacayl iyo in laga shaqeeyo shantii soomaliyeed oo laysla doonto, dhiig badan ayeynu u daadinay oo wakhti badan ayaa inagaga lumay walibana inta badan anaga ayaa tirsanaynay oo idinku gabay iyo Hees toona laydinkama maqlin ee anagu labadaba waanu ku dari jirnay, shantoo is weheshadaa wacnaydee ayaanu ku heesi jirnay.”
Gudoomiye Jamaal Caydiid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Maantana waa naga dhab oo sidii hore si la mid ah ayaanu dhinaca kale ugu wareegnay, 360 degree ayaanu dhinaca kale u wareegnay ee arinkayaga ha fudaydsanina.”
Sidoo kale gudoomiye Jamaal Caydiid ayaa ka mahad celiyey soo dhawayn iyo wada shaqayn uu sheegay inay kala kulmeen dadweynaha gobolka Hiiraan waxaanu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo aanu ugu nimid gobolkiisii oo na soo dhaweeyey, dhamaan dadka gobolka u dhashayna waanu mahad celinaynaa kuwaas oo aanu soo dhawayn iyo wada shaqayn wanaagsan aanu kala kulanay.”


0 





