Cudurka Jadeecada Oo Fara-ba'an Ku Heya Mareykanka

0
Wednesday March 27, 2019 - 08:04:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Jadeecada Oo Fara-ba'an Ku Heya Mareykanka

    WASHINGTON. D.C — Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASHINGTON. D.C — Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah,
 kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka.


Degmadaan oo 40 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada New York, ayaa maamulka waxa uu ka mamnuucay carruurta aanan ka tallaaneyn jadeecada in aysan iamaan xarumaha waaweyn ee ay dadka isugu yimaadaan.



Xaaladda deg degga ah ayaa deegaanka Rockland ka dhaqangashay xalay, waxaana ay socon doontaa muddo 30 cisha.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in la dhiirri-geliyo tallaalka cudurkaan jadeecadda oo tan iyo bishii hore kiisas dhowr ah laga helay gobollo ku yaalla Mareykanka.


Degmada Rockland ee gobolka New York oo ay ku noolyihiin ilaa iyo 300,000 oo ruux ayaa sannadki 2000 laga ciribtiray cudurka jadeecada, hase yeeshee waxaa hadda laga helay kiisas dhan 153 oo la xiriira cudurka jadeecada.

VOA.
Loading...
Loading...