Nin Waalidiintiisa Oo Maqalka Naafo Ka Ah U Sameeyay 'Qalab Ay Ku Hadlaan'

0
Friday December 13, 2019 - 07:28:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Waalidiintiisa Oo Maqalka Naafo Ka Ah U Sameeyay 'Qalab Ay Ku Hadlaan'

    Netshidzati Lucky Mashudu, oo kasoo jeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Netshidzati Lucky Mashudu, oo kasoo jeeda
gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika, wuxuu ilaa yaraantiisii dhibaato weyn ku qabay xiriirka wadahadalka ee dhex mara isaga iyo labadiisa waalid ee maqalka naafada ka ah.

Wuxuu sheegay inuu marar badan isfaham waa dhex mari jiray isaga iyo hooyadiis ama aabihiis, inkastoo ay ku wadaxiriiri jireen luqadda astaanta ee gacmaha la isaga miidaaro.



Sidaas awgeed, wuxuu mar walba niyadda ku hayay sidii uu xal ugu heli lahaa dhibaatadaas dabiiciga ah.

Ugu dambeyn waxaa u suurtagashay inuu sameeyo qalab gacmaha la gishto oo astaanta gacanta u baddalaya hadal cod ah.


Qalabkan oo ku shaqeeya koronto iyo Internet, wuxuu sidoo kale codka u baddali karaa astaanta gacmaha, si markaas ay waalidiintiisu u fahmaan, maadaama aysan cod maqli karin iyagu.


Wuxuu Lucky sheegay in tiknoolojiyaddan ay ka caawisay inuu helo wadasheekeysi wanaagsan oo uu la wadaago hooyadiis iyo aabihiis.


Barnaamijka BBC-da ee lagu magacaabo Life Clinic ayuu tusay qalabka uu farsameeyay, wuxuuna nala wadaagay rajadiisa ku aaddan dhinaca mustaqbalka ee la xiriirta dadka kale ee maqalka naafada ka ah.


"Waxaa i dhalay oo isoo koriyay labo waalid oo dhagaha naafo ka ah, sidaas awgeed caqabad weyn ayaan kala soo kulmay koritaankeyga qoyska dhexdiisa, sababtoo ah iima suurtagali karin inaan la hadlo ama isfahanno waalidiinteyda. Ka dib waxaan helay fikrad aan ku sameynayo qalab yareynaya caqabadda naga heysatay dhinaca wadaxiriirka, waana qalab gacanta la gishto oo dareen ku shaqeeya", ayuu yiri Netshidzati Lucky Mashudu.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intas ku daray: "Ujeeddada aan leenahay mustaqbalka waa inaan sidoo kale ka sii gudubno qalabkan oo aan fikrad kasii fiican helno. Qalabkan wuxuu xitaa aad u anfacayaa dadka kale ee maqalka naafada ka ah, waxaana ku xiran kaamiro qabaneysa dhaqdhaqaaqa gacmaha islamarkiina u baddaleysa cod".


Wuxuu doonayaa inuu wakiil caalami ah u noqdo dadka aan wax maqli karin.

"Waxaan doonayaa inaan cod u keeno bulshada maqalka naafada ka ah, sababtoo ah dadkaas lama maqli karo codkooda, laakiin qalabkan ayaa booskaas u gali kara".

 

BBC

Loading...
Loading...