Farsamo Xume Farahuu Is Gooyaa ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday December 12, 2019 - 11:30:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farsamo Xume Farahuu Is Gooyaa ( Abdi-Shotaly).

    Askarigu waa hasha geela cunta ee cabaadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askarigu waa hasha geela cunta ee cabaadda,
misna sidda ilmo sebi yar ah, u soo bees-beesta anshax daridda bal eega ( Wuxu asal xumaa), Ilayn jaahil kama soo reeyo, oo misna kuma adkaysto, doofaar cad xalaal ahi kuma yaalo, oo dhurwaa uuda ma daayo, dabin hoosta ku aasan, ruux cagaa geliyey, nabar qooma ma waayo. horaa-se loo yidhi " Heblaayooy isku hayn iyo kala ahayn labadaa isku heli-mayside, mid uun ha laguugu yimaado" Sidda carsaan-yadda badda kolba marka dhan lagaa istaago, dhanka kale ha isu rogine, khaad-kaaga xejiso in aan lagaa jimcinayne. Waxan uga socdaa haduu qadh-qadh leeyahay oo uu roobinayaa ilamadda, siddii duunyo weere galay " askrigii raggii ma adigaa ka hadhay", Markii god walba laga soo gufeeyey, ee meel waliba aduunka ka soo handaraabantay, indhaha si wacan oo khasab ah loogu jeexay. Caalamku yidhaaheen yaad wax u sheegaysaa ee aan ku aqoon, waanu og-nahay dukhul-kaaga iyo waxad tahaye, geedkuu qabsadaaba ku noqday dhimbiil, oo uu dab cagaha saaray, hor ilaahay murux iyo qaawani uu isu soo taagay, baa waxan ka maqalaayey daraad shir deg-deg ah, baan ugu yeedhayaa labadda gudoomiye Xusbi mucaarid. oo uu meel kale canaan aan jirin u sibir saarayaa. Denbiga uu leeyahay iyo maskax xumidiisa, cuqdadda beerka kala goysay iyo Garxajis baan futadda dhulka ugu dhufana-yaaddii, xagay ka dhacday ( waa beenaale dhataqle ah, uma jeedo wuxu afka ka leeyahay, ee tiisu meel bay ugu xidhan tahay), waa maxay oohinta saaka uu ka wadhay. Faacuul baa laga haya " Allaw gacanta hay goyn ninkii Giib dilaan ahaye" Waxan uga socdaa "rabaw waa mahadaa", Haddii 15kii Xaashadood ee aan ku soo koobay afcaasha askariga, ee aan u kala direy UN-ta, Igad. Eu. OU, Amnesty International iyo Human Rights-ka, British foreign and Common wealth Commission-ka, dad kale-na caalamka halkay kaga nool-yihiin ay kala xidhiidheen, oo uu hadda askarigu caga-dhibyoo-naayo, oo hadeer ay ka soo wadda jawabeen, imika meel uu eersado la'yahay, horaa loo yidhi " Lib Rag kaaga dambeeyo, ninka isi siiyey, waa liid iyo garaad laawe".

 

    Hees qaraami ah baa waxa muriti-deedda ka mid ah " Cir-kiyo dhulka meel dhex-doodda ah, oo dhana-ba jrin baan dhac-dhacayaa", Waa sidaase askartii haday walhanayaan hawo dhexe, siddii aagaan yar oo awr cadaysimo ah laga kala riday, oo dheega awrka hadba dhan u cararaysa. waa kuwaas xumbo bilaashtii ay daadina-yeen ka soo bixi wayday, siddii awr guulaan ahna, ay kala xidhay dhuunta iyo afkii ay ka soo bixi lahayd, dhanaba uga degi la'dahay ( Subxaan). Horaa loo yidhi " Shaafalato bal ku day ah sidatan, in ay kuu socoto iyo beeni meel kuma gaadhsii-yaane" haday ku jiq tahay, oo raaf dhaqaajin kari la'yahay. Bal aan is weydiino'e, yuu saarayaa canaanta ee uu ku riixayaa? Saw maaha kii loogu taag waayey, ku soo noqo sharciga iyo distoorka, oo maskax-daada bugta nadiifi, Aan is weydiino'e, yaa diiday oo hor taagan in doorasho xaq iyo xalaal ahi dalka ka dhacdao? Yaa komishankii lagu heshiiyey in la kala diro dib u soo celiyey? Yaa Ina Riyo Raac oo qudhmiye ka ahaa wasiirka keenay? oo yidhi wuxu ka mid yahay Komishan ku sheega? Weliba yaa af-duub iyo anigaa awood leh kaga dhigay Gudoomiye? Miyaanu ahayn askarigu kii lahaa shalay Xusbiyo mucaraid ahi ma jiraan? ee waa laba nin oo isku beel ka soo jeedda? Muxuu hadeer la qubayaa dhareerka af-maroorshe. waxan leeyahay waa taas oo abida ah ee isu naalee.

 

    "Farsamo xume farahuu is gooyaaye" Waxa la yidhi akhristaw, Markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye"  Allay-lehe inteedaan ku sugay aradka gaaroodi" Imika baa wixii laga hor-joogay uu gunta soo taabtay, oo indhi-hiisu cirka arkeen, siddii wankii weynaa ee la gawracay. Waxa murti weyn ahayd, oo qofkii in uun caqli lihi wax ku qaato (Maaha askarta'e iyo daba leefyadda uu ku adeegto'e). " Wallee ina ragaw tallo aduun taadda uun maaha" Waa cayn-kaase, haday balaayaddii uu doonaayey ku maran tahay, cid ka furfuray-saana aanay jirin, ee sidaa naftu ha kaga baxdo, waa kii lahaa la isu joojin-maayo'e, muxuu imika calayadda iyo barya xumaanta u isugu darayaa? Miyuu ku joogo halkiisii hore? Dhaqaalihii la futay-naayey, ee beenta caalamka loo sheegi jirey isi soo xidhay, dhux-dhuxddii iyo dhego ad-kaantii soo dabo beeshay, cid ama beel wax laga qaadi karaana ma jirto, ee haduu nin yahay "Caare ha ugu tago Buurta" ninkii ba'naayaw lagu fasax. Ma dhacayso mana suuro gelayso, in Xusbi-yadda mucaaridka ahi ka tanaasulaan oo ay soo hor fadhiis-taan, ilaa dhamaan qodobaddii la isku af-gartay, ee ahaa in Komishan cusub oo dhex ah la doorto, oo la eryo kuwii hore, Mucaarid-kana laba kale loogu daro, oo sagaal laga dhigo, doorashadda Guurti ku sheegta iyo dhuuni-raacyadda Baarlamaan-kana, laga saaro meesha wixii loo kordhiyey. yaanu askarigu u fadhiyin waan-waan. Waxan intaa ku darayaa, kuna soo xidhayaa, oo aan leeyahay askariga jaho wareersan, indhaha iyo dhegaha la', ka soo maal waa siddii aad rabataye, bal waxad hayso soo daaya, oo cirka iyo dhulka nagu soo dumi aynu eegno halkay ka carceerto'e.

    * N.B Dabin Hoosta Ku Aasan, Ruux Cagaa Geliyey, Nabar Qooma Ma Waayo. 

    Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...