Eryashadii Riyo-raac, Rogaal-celintiisii iyo Riyadii Xalay: Muxuu Fasirkeedu Noqon Karaa?

0
Wednesday December 11, 2019 - 14:42:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eryashadii Riyo-raac, Rogaal-celintiisii iyo Riyadii Xalay: Muxuu Fasirkeedu Noqon Karaa?

    Waan seexday xalay, haddana qaraw ayaan arkay ama riyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan seexday xalay, haddana qaraw ayaan arkay ama riyo,
 inta badan waan illaawi jirayba riyooyinka.. Laakiin tani wax ay ahayd mooyaane, waan xasuustay, waana run.


Annaga oo meel Guriga Murtida iyo Madaddaalada ee Hargeysa u dhaw shaah ka cabbaynaya ayaa waxa na soo maray Injineer Cabdirashiid Riya-raac. "Alla waa Riya-raac” baa ay qaar ay yidhaahdeen. Waxa ay la boobeen bakoorado, iyaga oo dagaallamaya.



Ninki cagaha ayuu wax ka deyay, waayo koox ayaa keligii gacanta u qaaday, xilka uu hayo ayaa ay diiddanaayeen. Waa ay daba yaaceen waxoogaa, inta aan ka daba kacay ayaan eeg is idhi waabu duulay sida haadka waanu naga libdhay, fadhaq weynaa.


Cabbaar kaddib ayuu soo noqday isaga oo wata qolyo badan oo bakoorado miidhan sita. Rag aan naxaynnin bay ahaayeen. Bakooradihii ayaa la isla galay. Qac, qac, qub, baw, waa la isla dhacay. Anigu bakoorad ma sidanne, markii aan ka baqay inay bakoorado igu dhacaan ayaan kacay. Shaw waan hurday oo kaadi ayaa i qabatay, suuliga ayaan tegay. Halkaas ayaa iigu dambaysay.


Anigu waxa aan u fasirtay in xalku noqonayo in uu banneeyo GDQ, taasi waa eryashada, isla markaasna xil kale loo magacaabayo, waana rogaal-celinta.

Riyadaasi maxay noqon kartaaa?


W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...