Ujeedada Shir Raysal Wasaare Ku-xigeenka Somaliya Uu Muqdiho Ka Furay

0
Saturday December 07, 2019 - 14:33:45 in News by
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Shir Raysal Wasaare Ku-xigeenka Somaliya Uu Muqdiho Ka Furay

    RaysalWasaare Kuxigeenka somaaliya oo shir ka furay Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RaysalWasaare Kuxigeenka somaaliya oo shir ka furay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(HWN):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS),Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.



Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka


Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha ee la dagaallanka Musuqa


Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha


Hadhwanaagnews

Muqdisho/office

 

Loading...
Loading...