Muqdisho:-30 Sano Kadib Oo Dib Loo Furay Mac-hadka Dublu-maasiyada Siyaasada Qaranka

0
Tuesday December 03, 2019 - 10:59:43 in News by
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-30 Sano Kadib Oo Dib Loo Furay Mac-hadka Dublu-maasiyada Siyaasada Qaranka

    30 Sano Kadib Oo Dib Loo Furay Mac-hadka Dublu-maasiyada Siyaasada Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30 Sano Kadib Oo Dib Loo Furay Mac-hadka Dublu-maasiyada Siyaasada Qaranka 30 Sano Kadib Oo Dib Loo Furay Mac-hadka Dublu-maasiyada Siyaasada Qaranka

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Muqdisho dib uga furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo xirnaa tan iyo Qaran jabkii 1991.

Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo hoostaga Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya waxaa xaruntiisa lagu sameeyey dib u habeyn iyo qalabeyn ballaaran oo maalgaliyey sanduuqa hormarinta Qadar.

Dib u furida mac-hadka ayaa loo sameeyey xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo iyo safiiro ka socdo caalamka, gaar ahaan wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyey dib u dhiska Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya ka taageeraya tababarka diblomaasiyiin lagu siinayo mac-hadkan.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Mac-hadku uu suurta galin doono kor u qaadida iyo tayeynta diblomaasiyiinta, sidoo kalana u gacan weyn ka geysan doono dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka intii aan la furin xiriir la sameeyey dalal iyo macaahid badan oo ay ka mid yihiin Mac-hadka diblomaasiyadda Marooko, Mac-hadka diblomaasiyadda Masar, Mac-hadka diblomaasiyadda Qadar, Mac-hadka diblomaasiyadda Suudaan, Mac-hadka diblomaasiyadda Jabuuti,


 

Mac-hadka diblomaasiyadda Itoobiya, Mac-hadka diblomaasiyadda Kenya, Mac-hadka diblomaasiyadda Turkiga iyo Mac-had ku yaalla Sweden.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la sameyn doonaan jaamacado badan oo adduunka ku yaalla, si ay waxbarashada dheer uga taageeraan.

Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa markii ugu horreesey la asaasay 1986. 



 HadhwanaagNews.com

 Muqdisho/Office

Loading...
Loading...