"Anigu ma ahi Nin Qadar u soo Shaqo tagay, Shaqaddana Umma aqaan Shaqo..." Cabdillaahi Cukuse

0
Tuesday December 03, 2019 - 00:05:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu ma ahi Nin Qadar u soo Shaqo tagay, Shaqaddana Umma aqaan Shaqo..." Cabdillaahi Cukuse

    "Anigu ma ahi Nin Qadar u soo Shaqo tagay, Shaqaddana Umma aqaan Shaqo..." Cabdillaahi Cukuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu ma ahi Nin Qadar u soo Shaqo tagay, Shaqaddana Umma aqaan Shaqo..." Cabdillaahi Cukuse
Kampalla(HWN):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ee Xukuumaddii Siilaanyo Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla markaanna ka mida siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo maalintii shalay uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay La-taliyaha arrimaha doorashooyinka, waxa uu ka hadlay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka Somaliland.


Cabdillaahi Cukuse oo maanta Caasimadda Hargeisa kula hadlay qaar ka mida Warbaahinta Somaliland, waxa uu soo dhaweeyay Xilka cusub ee Madaxweyne Biixi u magacaabay, waxaannu sheegay inay waajib tahay Shaqadda qarankaagu meelin-ba meeshii laguu diro.

"Wuxuun baan u arkaa inay dhammaanteen Waajib tahay in aynnu qaranka u wada shaqayno. Maalin-ba meeshii lagaga baahdo inaad ka shaqaysaa waa arrin innagu Waajib ah. Anigu waxaan u taagannahay inaan Somaliland u shaqeeyo, ilaa inta aynu ka xaqiijinayno in Somaliland ka mid noqoto Qarrammada dunnida.

Waxaynu ku jirnaa halgan, halgankaasinna maalin-ba meel baa kugu soo hagaagaysa, waanna meel loo baahday uun inaad ka shaqaysaa, halkii aad ka shaqaysanna waa meel uu qaranku u baahan yahay, oo aad daboolayso. Illaahay waxaan ka baryayaa innuu nagu asturro Xilkaas qaran." Ayuu yidhi Cukuse.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Arrinta doorashooyinka shaqadda la qabtay waa guddida doorashooyinka uun. Doorashaddana arrimaha ku xidhan ee ah inay qabsoontaa way ka badan yihiin Guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashooyinka iyo khilaafka imika ka taagan waxaan Illaahay ka rajaynayaa innuu noqdo mid wanaag ku dhammaada."

"Anigu waxaan ahay qof diyaar u ah innuu qarankiisa u shaqeeyo, Shaqaddan aan qabanaayanna shaqo umma aqaan ee waxaan u aqaan mid ku taxan halgankii aynu Somaliland ku samaynay, markaa maalin-ba meesha laguu diro waa inaad ka shaqaysaa ee ma ahi nin Qatar yimid oo u soo shaqo tagay"

Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...