Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa nin u naxariista dadka buka..W/Q Jimcaale M Xamari

0
Saturday November 30, 2019 - 23:56:49 in Articles by G. Good
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa nin u naxariista dadka buka..W/Q Jimcaale M Xamari

    Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa nin u naxariista dadka buka..W/Q Jimcaale M Xamari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa nin u naxariista dadka buka..W/Q Jimcaale M Xamari


Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa nin u naxariista dadka buka. Nin aan danayn lacagta iyo maadiyaadka muuqda. Tigidhkiisu waa uu jabnaa, ugu yaraan marka hadda loo eego. Dawo kooban, tayo leh oo jaban ayuu dadka u qori jiray. Scan, MRI, X-ray, Ultrasounds iyo shaybaadh badan oo qaali ah dadka uma diri jirin. Laba laga maarmi waayo maan sheegin. Alaabtaas qaaliga ah maba uu lahayn. Umaba uu baahnayn. Khabiir calaamaddaha iyo baadhitaanka dhakhtarnimo wax ku daweeya ayaa uu ahaa. Hadda intaa caksigeeda ayaa uu sameeyaa. Wixii 2013kii ka dambeeyay qof buka kama fikirin. Keliya sida lacag loo helo ayuu falowgeed galay. Miyaad sababta garanaysaa?

Image may contain: 1 person
Lis Dairy


Diktoorku dal Somaliland la yidhaahdo ayuu rejo ka lahaa intii hore. 2012kii waxa uu samaystay urursiyaasaddeedkii Ummadda. Xilkii uu dawladda Siilaanyo ka hayay ee wasiirka arrimaha gudaha ayuu iska casilay. Dardar buu la soo galay. Ugu dambayn waa la reebay. Reerkiisa iyo xukuumaddii Siilaanyo ayaa iskugu tagay. Somaliland iyo dadkeedaba maalintaas ayuu nacay.


2003dii ayaa Gaboose xisbigiisii hore la reebay. Somaliland oo dhami waa ay ogayd in uu Sahan ka cod badnaa UCID. Koomishan iyo waxgarad ba waa lagu wada socday in aan Gaboose soo muuqan. Malaha Gaboose faqashnimo ayaa laga uriyay oo waxa uu miis kula quraacan jiray Siyaad Barre. Gaboose iyo Siyaad si waa u qaraabo, waxaanu ahaa dhakhtarkiisii gaarka ahaa. Mise taloow Muuse Carre ayaa la lahaa qarnigiinii waanu idin daawanee naga nasta? Mid kale na way jirtay oo Habaryoonis si baa sas looga qabay. Dagaaladii Sokeeye ayaa muuqday. Nidaamkii uu Cigaal jeexay ee kursiga laga ga fogaynayay ayaa shaqaynayay, welina shaqaynaya. Ciidagale in la soo saaro. Hadhoow na iyaga iyo Habaryoonis la isku diro ayaa qorshuhu ahaa.



Ciidagale keligii isma wadi karo. Haddii Habaryoonis laga fogeeyo tol kale Isaaq kuma dhex laha. Waa hubaal in ay kaalinta saddexaad iska jooggi doonnaan. Ciidagale iyo Arab ma heshiin karaan, ugu yaraan berigaa. Intaan labadoodaba Hargaysa laga ga adkaan bay ahayd ee aan dantu is badin. Mayee malaha in laga adkaaday baannay ogayn ee markaaba waa laga adkaa. Weli utuno aan hadal ka taagnayn baa iska jiray. Iyaga laftooda ayaa la isku diray. Marar ay Hargaysa dhexdeeda hub isku gurteen baa jirtay. Aagga tootal mar rasaas la isla dhacay waan xasuustaa. Inji baa ay islaan habaar qabto ahi yaa Arabaay ka tidhi, la ismaba waydiin maxaa dhacaye waa la isku yaacay, fiidkiina la kala yaacay. Hanti badan baa burburtay, magaaladaa kala xidhantay, nafo qaali ahaana waa lagu waayay. Ciyaalxaafadku waa is cayuumin jireen. Ardayga Arab ee Maxamuud Axmed Cali dhigtaa waa foorarsan jiray, waa uu baqan jiray. Ka calaamaddaha u haasaawe taga dhegtaa taagnaan jirtay. Sidoo kale, dhallinyarada ciidagale ee garoonka kubadda timaaddaa waa ay baqan jireen, xataa kuwa ciyaarayaa baqan jiray. Iyaga ayaa cadow iskugu filnaa.


Hadda labaduba waxba kuma hayaan magaalada. Dawladda hoose, cusbitaalka wayn, wakaalada biyaha, xafiiska gobolka iyo meelaha magaalada adeegga siiya oo dhan waa ka maqan yihiin. Xaafaddahoodu waa kuwa ugu wadooyin xun, ma laha biyo, dawladdu waxba kama qabato. Taas ayaa kala mashquulisay. Si bay isku dan u noqdeen. Nin baa laga hayay haddii uu Faysal soo baxo sow odhan maayo Arab nuclear buu haystaa, hala cunaqabateeyo!


Awal isagu Garxajis taageeri maayo, weliba Sacad Muuse taageeri maayo Ciidagale. Habarjeclo waxa ay leedahay xisbiga Kulmiye. UDUB waxa u naf ah Habaryoonis iyo Arab, marka Ciise Muuse iyo Samaroon laga yimaado. Hartigu iyagu ma codeeyaan, cod la isku halayn karo lagu ma sheegin. Arrinkaa Xaqsoor ha laga waraysto.


Dagaalkii Daroor waad xasuusataan baan filayaa. Reer Sugulle iyo reero Ciidagale ah baa la isku diray, ma Yoonis bay ahaayeen horta? Kaadiriin UDUB ah oo labada reer ah baa colaada kiciyay. Sirtu waxa ay ahayd in codka Habaryoonis aannu Garxajis noqon ee isaga oo Habaryoonis ah uu UDUB meel ugu jiro. Waxan Faysal ilaa hadda ka dhimanayaa sow ma aha in markiisii la hagraday. Cirro Garxajis noqon maayo, anigu Ciidagale ayuu taagan yahay. Weliba aniga oo dadkii talin jiray ah. Saldanadii guud ee Isaaq ah. Marka keliya ee aan Faysal u garaabaa waa markan. Codka Garxajis sidii baa weli loo kala ilaaliyaa. Malaha hadda uun bay reerkaasi wax fahmeen.


Diktoorka iyo laba nin oo kale ayaa urursiyaasadeed ku dhawaaqay xili aannay furnayn. Qaran ayaa ay ula baxeen. Waa sannadihii u dambeeyay xukunkii Daahir Rayaale. Jamaal Caydiid iyo Maxamed Xaashi ayaa ay ahaayeen labada nin ee kale. Saddexdoodii ba Daahir Rayaale ayaa xidhay. Madheera ayaa loo diray. Muddo kadib ayaa la soo fasaxay. Kulmiye ayaa ay shidhka u galeen. Dedaalkii Daahir birta lagu dhaafinayay laga ma badsan. Saddexdooduba xilal bay xukuumaddii Siilaanyo ka qabteen. Jamaal hay’ad madax bannaan baa loo dhiibay. Ina Xaashi wasiirkii maaliyadda ayuu noqday. Gaboosena wasiirkii arrimaha gudaha.


Gaboose hadda cidna dan kama laha. Somaliland isaga xaq kuma laha, waayo xaqii uu isagu lahaa baa laga duudsiyay. Xaqii ay isaga ku lahayd in uu ka duudsiyaa waa gar. 2013kii Gaboose laba arin baa isku raacay. Xisbigiisii wuu hadhay, waa la reebay. Dayn aan caadi ahayn baa lagu lahaa. Ololihii ayaa uu nus milyan doolar oo dayn ahi ka soo raacay. Si uu daynta iskaga bixiyo waxa uu kordhiyay saacaddaha shaqada. Halkii uu lixda subaxnimo ka iman jiray ayuu salaada subax ka dhigay. Xaga dambena wax buu kaga daray. Hadda wasiir ma aha, xisbi iyo xafiis na kuma kalaho. Kadib mudo kooban ayuu iskaga bixiyay boqolaal kun oo doolar oo dayn ahaan loogu haystay.


Markaas ayuu ogaaday halka ay ka dhawdahay ba in ay halkan tahay. Siyaasadda dib dib ayuu uga baxay. Dhismihii yaraa ee masjid jaamaca ka dambeeyay ayuu shuufay. Maxaa meeshan xun ku dhex dhigay buu yidhi adiga oo bilo ku shaqayn kara nus milyan doolar. Dhismaha dabaqa ah ee cusbitaalkiisa markaas ayaa uu bilaabay. Alaab oo dhan markaas ayuu soo dhigtay oo dalbaday. Markaas ayuu wax walba qaaliyeeyay.


Anigu ganacsiyaynta aqoonta iyo caafimaadka waan diiddanahay. Laakiin markii aan halka Gaboose is dhigay waxa aan ku qancay in uu weliba inala saayiray. Waxa lagu sameeyay waa wixii rag ka dagaalami jiray. Sumcaddiisa dhakhtarnimo ayuu ilaashaday. Dhakhtarku ma jecla in ay qof xabadi ku dhacdo. Waxa aad khatarteeda taqaan dadka uma quudhid. Marka aad dhakhtar dawayn ku hawlan tahayna kaba sii daran.


Gaboose cusbitaalka Edna ayuu nagu soo booqday december 2012kii. Waa ayaamo uun kadib reebistii ururkiisa. Waxa cusbitaalka daadsanaa dad ay dawladdu rasaas la dhacday. Waa taageerayaashii ururka Xaqsoor iyo dad wadada iska marayay oo rasaastu la kulantay. Sakaradii budhka la kulantay bay odhan jireen. Waxa mid mid loo dul geeyay dadkii dhaawaca ahaa. Gaboose in uu dalka ka niyadjabay anigu galabtaas ayaan dareemay. Niyadjab waalli lagu sheegi karaa ka muuqday. Dhakhtarka waa in aan wejigiisa bukaanku ka garan in aannay xaaladdu caadi ahayn. Bukaanka dhimanaya xataa waa loo dhoolacadeeyaa. Gaboose heerkii uu mooraalxumadiisa xakamayn lahaa wuu dhaafay. Waxba laga ma qaban karayn.


Maalmahaas siyaasiyiin badan baa soo booqatay dhaawaca cusbitaalka yaallay. Maalmo dambe ayaa ay Duur iyo Fadal oo dadka laayay soo booqdeen. Galabtaa maan jooggin. Wiil dhaawaca ka mid ahaa baa quraarad sharaab oo ag taallay qaadday. Labada midkood madaxa fuji buu is yidhi. Askar bay ku noqdeen oo waa ay ka foorarsadeen. Gidaarkay ku dhacday. Maalmo kale waa tii Xirsi meesha lagu go’doomiyay. Dadka go’doomiyay waxa ay igu dhaafeen maqaaxida Amal. In dhar dumar loo xidhay baa la sheegaa. Waa iska dacaayade albaabka saldhiga xiga ayaa laga saaray. Waa sida aan dadkii saaray ka maqlay. Edna ayaa dhallinyaradii gadoodsanayd kula hadashay albaabka hore ee cusbitaalka. Intii ayaa la saaray. Goor dambe ayaa la ogaaday in aan meesha ninkii ku jirin.


Gaboose waxa uu dadka kale dheeraa in luuqad uu fahmayo loogu sheegayay waxa qof walba gaadhay. Nerveka, xididka, lafta ama xubinta wax noqotay ayaa loo sheegayay, looma baahnayn in loo sheego cawaaqibka ka dambeeya. Wixii loo qabtay ayaa loo raacinayay. Xaaladda guud ayaa loo soo koobayay. Adigu dhakhtar taqasus ah oo ardaydiisii warbixin siinayso ayuu u eekaa. Waabu ahaa. Mihnadda caafimaadka sida loo kala aqoon badan yahay ayaa la isku tixgeliyaa. Waa la kala adag yahay. Heerka madaxbanaanidaadu waxa uu leeg yahay hadba inta cid kaa saraysaa kuu jirto. Haddii ay kula joogto wax aannad kala tashan ma samayn kartid.


Qofku haddii uu shaqsiyan dulmi u tirsado wax walba waa laga filan karaa. Dulmi dhawr jeer soo noqnoqday na waa uu ka sii daran yahay. Xagjirka ugu badan dunidu waa dulmanayaal hore.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...