Cadba Cad U tuur . W/Q: Axmed Nuur Guruje.

0
Sunday March 24, 2019 - 15:17:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadba Cad U tuur . W/Q: Axmed Nuur Guruje.

    Bishii April 2003 ayaa laggu dhawaaqay natiijaddii doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii April 2003 ayaa laggu dhawaaqay natiijaddii doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland,

natiijadaas oo aad loo sugayay, waxaana codad aan badnayn ku guulaystay Xisbigii Udub iyo musharixiintii ka socday .



Doorashadaas oo ahayd mid aad u xamaasad badan , meelaha loolanka ugu adagi ka dhacay waxaa ka mid ahaa Gobolka Togdheer , gobolkaas oo ahaa Gobolka uu kasoo jeeday Musharixii Xisbigga kulmiye , hassa yeeshee codadkii uu filayay waxaa xagal daaciyey codod fara badan oo uu xisbigii udub ka heley isla gobolkaas .


Natiijadii markii laggu dhawaaqay , Xildhibaan la odhan jirey Maxamed Warsame Jiir oo baarlamaanka ka tirsan ayaa wuxuu baabuur Landcruiser ah oo uu lahaa xagga horre kagga xidhay Hangool u eeg astaanta xisbiga Udub , siyaasiyiinta reer Burcana waxay baabuurta ku qoran jireen Keligii Udub .


Aduunyo waa iska war iyo sheeg sheege , maalmahaas oo xisbiga Kulmiye natiijadii diiday , waxaa af-hayeeno madaalayaala u noqday Xisbiga Udub siyaasiyiin kasoo jeeda Galbeedka Burco oo ay ugu horeeyeen , Ambasaddor Cawil Cali Ducaale , Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo Siciid Sulub , kuwaasoo mudda dheer sutidda u hayay Xisbiga kulmiye ee doorashadda lagaga guulaystay .


Aduunyaddu waa hadhka labadiisa geline , Xisbiga Waddani waxaa isna codadkii uu ka filayay Goboladda Togdheer iyo Sanaag , sidii waagii 2003 la degey codadkii Xisbiga Kulmiye ka heley Bariga togdheer iyo Galbeedka Sanaag , sidii waagaasna waxaa safka horre si fiican kubadda uga ciyaaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin , Maxamuud Xaashi , Cali Mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi , sidaa markay tahay xisaabtu waa cadba cad u tuur , Maahmaahiihii Bulaale kuwii Maxamuud Xaashi u tuur , Laandheere nimadii Siciid Sulubna is qaadqaadkii Cali mareexaan u tuur , ereyadii Cawila kuwii gaafaadhi u tuur , Xisaabtana halkaas kusoo xidh .


Haatan iyo dan .


Xisbiga Waddani iyo Beesha Garxajis waxaa la gudboon , in ay Xisbiga dib u dhiskiisa usoo jeestaan , khuurada iyo dhalanteedkana iska dhaafaan , tallo ahaana waxaan kusoo jeedinayaa .


1- In doorashooyinka soo socda si rasmiya loogu diyaar garoobo , wixii tagay tiigsimaadkoona la iska ilaabo .


2- Gudoomiyaha Xisbigga , halagu baayac tamo , musharaxnimaduna ha inoo soo hadho .


3- Beelaha Samaroon , Arab , Habar jeclo , Harti iyo Garxajis , nin garbood ka kooban oo miidha safka horre halaga ciyaarsiiyo .


4- Siyaasadeenuna ha noqoto baqaha barri ka row , maxaa yeelay , Habar jeclo iyo Garxajis , Cigaal ayaa sidda kubadda ugu dhaga dhagaystay , oo marna Habar jeclo adeegsaday marna Garxajis adeegsaday , intii ka danbaysayna , marna Riyaale ayaa ina adeegsaday , marna Muuse . sidaa awgeed waa in ciyaartaa gacmo daaliska ah lasoo afjaraa, Habar jeclana aynaan isku sii mashquulsanaan waayo waynu isla habsaanay .


W/Q: Axmed Nuur Guruje.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...