Cali Baqdaadiga Baanka Haysta Iyo Rodolka Duulistu Halkay Iska Shabahaan?

0
Thursday November 21, 2019 - 15:04:07 in News by
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadiga Baanka Haysta Iyo Rodolka Duulistu Halkay Iska Shabahaan?

    Cali Baqdaadiga Baanka Haysta Iyo Rodolka Duulistu Halkay Iska Shabahaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadiga Baanka Haysta Iyo Rodolka Duulistu Halkay Iska Shabahaan?


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa xukuumadiisa ku soo daray laba masuul oo kala hogaamiya baanka dhexe ee somaliland iyo hay’adda duulimaadyada kuwaas oo iska shabaha calaamado badan.


Labadan masuul oo qaranka uga wakiil ah hay’addo miisaankooda leh ayaan u dhaqmayn hab maamuus la mid ah xilalka ay hayaan, iyaga oo noqday 80 jiro aan u dulqaadan Karin wararka xaqiiqada ah ee laga sheego.




Cali Baqdaadi Iyo Rodol oo ayaa ah laba masuul oo da’a ahaan isku dhaw isla markaana leh dhaqano iyo dabeecado aan munaasib ku ahayn miisaanka xilalka ay hayaan.


Calaamadaha ay iska shabahaan labadan masuul ayaa waxa ka mid ah inay ka gubtaan wararka xaqiiqada ah ee ay ka baahinayso warbaahinta madaxa banaani, iyada oo Cali Baqdaadi hore u bartilmaameedsaday shabakada Hadhwanaagnews oo qortay maqaalo ku saabsan musuq maasuq uu sameeyey intii uu xilka hayey iyada oo uu fooqyo dhaadheer uu ka dhisanayo magaalada Hargeysa isaga oo awood dawladeed u adeegsaday in sifo sharci daro ah loogu xayiro shabakada Hadhwanaagnews, halka Rodol uu daba galay telefishanka HCTV isla markaana uu ku xayiray awood xukuumada ka dib markii uu baahiyey warar xaqiiqo ah oo ku saabsan cabasho ay diyaarada Fly Dubai ka soo gudbisay fariimo qaldan oo lagaga soo hagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kuwaas oo keenay in duulimaadkeedii uu ka dago magaalada Jabuuti.


Labadan masuul ayaa sidoo kale iska shabaha talaabooyinka sharci darada ah ee ay ku xanibeen hay’addihii warbaahinta ee ka sheegay wararka xaqiiqada ah ee la xidhiidha masuuliyad darada ay muujiyeen.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...