Waa Taag-Waa Xarumaha Waddani Ee Ciidamadda Beelaysan Lagu Wareejiyey ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday November 20, 2019 - 15:26:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Taag-Waa Xarumaha Waddani Ee Ciidamadda Beelaysan Lagu Wareejiyey ( Abdi-Shotaly).

    Waa Taag-Waa Xarumaha Waddani Ee Ciidamadda Beelaysan Lagu Wareejiyey ( Abdi-Shotaly).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Taag-Waa Xarumaha Waddani Ee Ciidamadda Beelaysan Lagu Wareejiyey ( Abdi-Shotaly).
Haday huguntoo hugu ka ambaday, Marakay kadan tahay bay Alle taqaanaaye, Nin-ba taagtii ha talaab-sado,

 way iska soo kala bixi doon-taaye. Shalay 

waad ogay-deen wixii ka dhacay Hargeysa ee dariiq-yaddii Xarunta Waddani halkii laga soo geli lahaa lagu 


xidhay labaatan iska roga oo dhagxaan ah iyo siddii loo jiidhay, ee xooga lagu muquuniyey, maleeshiyaadkii u 
shaqyanaayey Askariga " Ragii ma adiga aka hadhay iyp Geenyo shaaximan", taasi waxay wax tusatay 
asakriga 
jaha-wareersan, kuna dhalisay Maamulka "Xaafad-tooyadda" in baqdin loo riday, markii ay tallo ka dabaqday 

ee meel ay wax ka qabtaan garan waayeen. Waxay naf moodeen in ay ilaaladdii Gudoomiyaha Waddani ay ka

qaadaan, oo ay ku yidhaanaan kama tirsanidin ciidanka jeegaanta ee beelaysan, Waxay ka qaadeen dibna 

ugala noqdeen direyskii, markay ku dhici kari waayeen. malaha sidaas bay dan moodeene, way-se ka sii 

xumaan doontaa, cid far saari kartaana ma ay jirto. waxa cadaan ah in uu hadda bilaabmay dagaalkii beeluhu, 

ee ha la isu badheedho, wax dawlad la yidhaaho oo dambe ma jirto'e, ee waa taas bur iyo biyo u kala baxdaye 

ma cid baa daah ka saaran yahay? Tallo xumaa tegi, marka la turqoo taws buu ku dambayn. Dan yaraw durug, 

nin liitaw dhimo, doqon iyo dhuuni raacaw hadaad is dabteen, ee nina haw dudin, ha isku digatee.

Waa xaaraan in la xidho Madaxddii Waddani ee kala ah:-
(1) Barkhad Batuun ( af-hayeenkii Waddani).

(2) Khadar Abdi ( Xog-hayahii Waddani),

(3) Ila Maeerayso .

(4) Xaawa Rooble ( Xog-hayihii Garabka Haweenka Ee Awdal).

Haddii aan deg-deg loo sii daynin, waxa la isugu soo geli doonaa xaafad-tooyadda. oo sidaadii baad kaba ka

 carari doontaa. Waxa ay sarbeebi ahayd " Ninkii dhici jirey dhib kuma aha, ee dhawaan soo baxaw ha 

dheeliman" Haday wax isla hayaan maxay u joojin waayeen Isu oo baxii shalay ee Hargeysa? Waxa Burco 

maanta ka dhacay iyo Ceerigaabo, maxay wax uga tari waayeen? una joojin waayeen, saw itaal darro maaha? 

Waxan leeyahay labadda askari, Tuhunka idinku jira wuu iska baabi'i doonaa, oo hortiina caano la idiinku 

biyeyn doonaa. waxana aad noqon doontaan " Duqsiggii caanaha ku dabaal bartay, ee fuudka kulul dhex 

galay, ee halkaas ku bakhtiyey, idina taas uun baa idiin dambaysa, ee marna taagtaa marna tamartaa, isku 

taamoo, ani hay tudhin, oo waa halkay idin geysaaye, naf la caarid baad tihiine.

Haduun bay cadaatay, keligii taliya-nimaddii la doonaayey, ee bal cirka iyo dhulka kuwii kala hayey ha soo 

daayeen, wax la isula hadhaayo baaba iska yare. Dagaalkii maryo-aloolka ee beenta loo sheegaayey beelaha 

kale iyo maaweeladdii ahayd Garaxjis baa u socdda Somali weyn, waxay ku cadaatay labadda askari iyo inta u 

sacab tumaysa, lana ogaa in kuwa u socdaa ee wax walba loo soo saxeexaa, ee Xaramka kula balamay in ay 

ku kulmaan, markii meel kale ay waayeen in ay iyaka yihiin, wax kaste waa kuwaas Xamar kala soo tasha-

naaya, hoosta ka wadda socdaan, oo ka Jabuuti ka taliya ee u seediga u ah, ee uu fijaanadda muqmadda ah u 

geeyo askarigu baa u fuliya balamaha. Wuxu yidhi mujaahidka beesha Arab ka soo jeedaa oo ay shalay 

xidheen " Ila Maeerayso dambe socon mayso" oo la isla soo dhaaf-ye, sheeko kale ma haysaa? Taas lagula 

fahan-ye. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, kud ha daaqdo, oo ha isla rogmato, aakhirka ninkii u hadhi jirey 

baa u hadhaayee. Waddani sidaas ku dhiman maayo, taageero iyo cudud buu ku leeyahay dhamaan 

Goboladda, idina way idiin dhmaatay, oo hadaa geed aad qabsa-taan la'dihiin. Ciidan ka kooban dhamaan 

Goboladda, oo Waddani ah iyo xaq, iyo cadaalad u diriri baa ilaalo hadda u noqo-naaya Gudoomiyaha 

Waddani. xaalku waa allaw rey iyo allaw roonaa, ee isu naalee, kii roon ba areeka u hadhi, ee yey idin soo 

gabin waxad ku tasha-teen.

* N.B Hadaad Turqantee Xagee Baad Tegi?

Qore:- Abdi-Shotaly
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...