Maxamed Xaashiyaw Ma Is Hayn Kari Wayday ( Abdi-Shotaly)?.

0
Tuesday November 19, 2019 - 20:57:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Xaashiyaw Ma Is Hayn Kari Wayday ( Abdi-Shotaly)?.

    Maxamed Xaashiyaw Ma Is Hayn Kari Wayday ( Abdi-Shotaly)?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Xaashiyaw Ma Is Hayn Kari Wayday ( Abdi-Shotaly)?.

Nin-ba meesha bugtaa isagay belbe-shaaye, odayga sare ku qorani wuxuu ciiro iyo boodh isku qariya-ba,

 kolba ceeryaan aan qarinayn uu dhex qaado-ba, shalay bay boogtii uu dedaayey isaga oon is ogayn ay 

oofta ka dilaacday " Beeraw ba' " Wuxu ku hoos dhuunto dhex-dhexaad baan ahay, oo waxan ahay " 

Aabaha Madasha", xaq sheeg baan ahay, Somaliland baan daacad u ahay, akhristaw shalay baa wakhtigu 

waa cajaa'ibe, uu lugta soo qabtay, kana xayuubiyey wejiggii been-beenta haa ee uu "Madasha" ku 

maaweelin jirey. Nin-ba meesha bugtaa isagay belbe-shaaye, wuu hayn kari waayey sawirkii dadka 

tusaayey ee uu lahaa Ummadda Soma;liland waa isugu kay mid. ha la joojiyo beelaysiga iyo qabyaaladda,

 

in aad ka hoosta ka wadda tahay ma cadaatay hadana afka boodka soo marsanaayey, ee iska dhigaayey 

nin cadaalad ku hadlaaya iyo hor illaahay. Madhashii aad wax aan jirin ka hor akhriyi jirtey, shalay bay 

shaadh-kaaga ka baxday. Aan su'aal ku weydiiyo'e " Ma sidaas baad ku hayd nin somaliland u 

doodaayey? Markii ay haysteen Abdirahman Ahmed Ali (Ihun), Mohmaed H. Ibrahim (Ihun), Riyaale, 

Siilaanyo (Alle Caafimaad ha siiyo'e), waa adiggii dhaliili jiraye, Kanse laguma arag mar qudha adoo wax 

ka sheegaaya, ee micna-haagu saw waa Anaka maaha? bal wax kale noo sheeg oo aanu kaa dhegaysano.



 

Waxa hore loo yidhi, Somalidu been ma maah-maah-do, laakiin been bay sheegtaa ( labadda qodoba) ee 

maah-maah-duba aday kugu cad yihiin maanta ee ka dabaalo,Saw been kamaad sheegayn dhex-dhexaadkii 

aad lahayd waan ahay. Haddii aar run sheegayso, oo illaaahy ka baqaysid, ka adhab tahay, waxa la arki lahaa, 

adiga oo malain keliya ka hadlaaya, Xaaraanta la boobaayo, ee ay ummaddii lahayd ka bakhtiyeyso, Cadaalad

 darradda la iska xidh-xidhaayo beelo gaar ah, sinaan la'aanta, xaqdarradda, dhul boobka taagan ee Raggii 

ma adiga aka hadhay, subax kste dbaloodh reer leeyahay iska laalaadinaaya. Afarta Madax-weyne ee ka 

horeeyey markii ay hayeen waa su'aale " Muxuu ugu qabsan waayey ee maanta markuu xukunka boobay uu u

 leeyahay annaa awood leh? Ma kan baad ku sheegaysaa Madax-weyne iyo mujahaid aan meela u soo marin? 

Ummadda runta u sheeg oo ku dheh "Waan iska ab tirsaday, oo badheedh beelaysan baan ku taageer-

sanahay.

 

Muwaadin hore baa murti qaaliyi u hayd ina odhanaysaa, oy weliba si wacan inoogu qeexaysa sawirka 

Odayga kor magaciisu ku yaalo, Waxay tahay murti-daasi " Fiqi tolkii kama jano tago" inta shalay kaa soo

 booday-na wax akle maaha ee waa sidaas ay inoo tilmaamayso murtidu, oo waad iska ab-tirsatay. Haday 

xaajadu daacad kaa tahay, oon lagu dambaa-beynin, dambaabidhadda naareed hadaan dhinacu doonaynin (

 Micnahu waxa Weeye hadii aanad ab-tirsanin). Maxada uga ahdli wayday, wixii lagu heshiiyey ( Waa 

Komishan Ku sheege), ee ay hayd in la kaal diro, caalamku ku dhex-dhexaadiyey, ee uu yeelay, waxa dib u soo

 celiyey, ee uu u yidhi kuwayga diri maayo, kuwii kale-na uu u diiday, waad arkaysaa cidda wax kharibaysa ee 

maxaad ugu cadayn wayday, haddii aanad lahayn siddii ninkii yidhi " Ma Idinkaa saw anaga maaha", Wixii uu 

samayn jirey ee mudaaharaaado ahaa" Raggii ma adigaa ka hadhay" ee dhawrka qof ku dhinteen, markuu 

mucaaridka ahaa weli juuq adoo ka leh lama maqal lamana arag. waase illaahay mahaddii, hadaad aad adigu 

iska saartay hulaabtii aad u xidhatay Ummadda ee aad u laba carablay-naysay. La hubsay oo gorayo haad 

noqotay, ee wax kale ma haysaa, oo aad ku muranto.


 

* N.B Fiqi Tolkii Kama Jano Tago!

Qore:- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...