DAAWO SAWIRADA: Ciidamo la wareegay Xarumo uu leeyahay Xisbiga WADANI

0
Tuesday November 19, 2019 - 09:18:21 in News by
  • Visits: 6997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRADA: Ciidamo la wareegay Xarumo uu leeyahay Xisbiga WADANI

    Ciidamo farabadan oo katirsan Booliska Soomaaliland ayaa saakay waxaa ay gebi ahaanba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo farabadan oo katirsan Booliska Soomaaliland ayaa saakay waxaa ay gebi ahaanba

la wareegeen Xarumo waaweyn oo uu Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Booliska Soomaaliland Janeraal Saqadhi uu bixiyey amarka ay ciidamada Booliska Soomaaliland kula wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANi ee Berbera iyo Ceerigaabo.

Arrintaan ayaa waxaa ay salka ku heeysaa khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxda talada heysa ee Soomaaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI taas oo todobaadkaan ka jirta magaalooyin ka tirsan Soomaaliland.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Soomaaliland ay awood kula wareegeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI uu ku leeyahay Magalada Hargeysa,halkaas oo qorshuhu ahaa in banaanbax uu ka dhaco,hayeeshee la baajiyey.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan iclaamiyey isku soo baxyo ay dhigayaan taageerayaasha Xisbiga,balse taliska Booliiska Soomaaliland uu kasoo horjeestay.

















Loading...
Loading...