Is Maan Dhaaf Iyo Gacan Ka Hada (Conflict And Violence)

0
Monday November 18, 2019 - 10:11:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Maan Dhaaf Iyo Gacan Ka Hada (Conflict And Violence)

    Dadku waxay moodaan in muranka iyo doodda (Conflict)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadku waxay moodaan in muranka iyo doodda (Conflict)
la isku maan dhaafsanyahay uu yahay shar,laakiin cilmiyan maaha belaayo iyo shar midna ee waa xikmad aadmigu u abuuran yahay ma dhici karto in dhinac la isku wada raaco ama dadku hal ujeeddo wada yeesho oo isku aragti la wada noqdo adduunkuna uma qaabaysna arrintaas,dadka Scholars ka ahi waxay tibaaxaan in kala duwanaanshaha fikirku uu horumar keeno noloshana xiiso u yeelo,haddii aan la isku nicin oo aan lagu kala tagin,waayo waxa ka dhalata anigu fikirkayga sidaas ma qabo,kala duwananshaha fikirka waxa laga dhex heli karaa ka saxda ah.

 

Hase ahaattee gacan ka hadalka(Violence) ayaa ah ka sharka keena,ee ay umaduhu ku bur buraan,gacan ka hadalka waxa keena kala duwanaanshaha fikirka oo loo adeegsado sida xun oo la isku naco oo lagu kala tago,Somalida waxad ku arki kartaa iyagoo qof fikirkiisa ku colaadinaya,ku takooraya,ama xattaa kula dagaalamaya,ta keliya ee meesha ka maqani waxa weeyaan adigu fikirkaaga qab waan kugu ixtiraamayaa,adiguna fikirkayga igu ixtiraam danta inaga dhaxaysana aynu wadanno

Dadyowga adduunka waxay aqbaleen in iyagoo kala qowmiyado ah,oo kala diin ah,oo kala midab ah caddaan iyo madow oo kala fikir duwan,haddana ay aqbalaan oo ay ku khasbanaadaan inay danta ka dhaxaysa wada ilaashadaan.

Tusaale yar waxa inoogu filan xilligii uu socday dagaalkii labaad ee Adduunka labada waddan ee cadaawadda ugu xumi dhex martay waxay ahaayeen France iyo Jarmal,dhinaca kale waxa labadan waddan jaar la ah dalka Switzerland,hadda garo oo Switzerland dadka ku nooli waa isla labadan dale e dagaalamaya waa French iyo German iyo in yaroo soo raacda oo Talyani iyo Roman ah,hase haatee dadka ku nool Switzerland waxay aqbaleen inay oo nabad ku wada noolaadaan haba kala fikir iyo jinsiyad duwanaadaan e,ama haba is dilaan dadkoodan kale ee la jaarka ahi,sidii Somalida may odhanin inagu kala dara!! Ee waxay ka ahaadeen dhex dhexdhexaad.

Sidaas ayaa loogu aaminay inay waddankaasi yahay meesha loogu soo hal qabsado dhex dhexaadnimo iyo nabad gelyo,waana meesha ugu badan ee lagu wada heshiisiiyo dalalka muranku dhex maro.

 

Waxa loo baahanyahay inay reer Somaliland iyo Somaliduba ay casharro ka bartaan Adduunka iyo waddamada kubka iyo bowdada ka soo jabay,ee qabyaalad nacay markii danbena samaystay wax ay heshiis ku yihiin oo ay wada ilaashadaan,isla markaana ku naalloonaya xassiloonida ay u tacab galeen.

 

Rashiid odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...