Dagaal Saaka Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Jabhada Suldaan Wabar.

0
Friday November 15, 2019 - 21:42:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 9709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Saaka Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Jabhada Suldaan Wabar.

    Boorama (HWN) Faahfaahino dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Faahfaahino dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka
waabarigii dhinaca xadka Itoobiye ee duleedka galbeed ee magaalada Borama ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhada uu hogaamiyo Suldaan Wabar.



Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kooban,waxaana ciidamada Somaliland uga dhaawacay hal askari, iyadoo laga gubay-na hal gaari, sidoo kale ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray dhinaca Jabhada, sida ay shabakada Hadhwanaag u sheegeen dadka deegaankaasi.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka socda dawlada Itoobiya ay soo gaadheen xadka saaka waabarigii lagu dagaalamay iyadoo xukuumada Biixi ay halkaasi udirtay ciidamo xoojin ah oo ilaa iyo haatan kusii qul-qulaya deegaanadaasi xadka ku teedsan.

Ilaa iyo hada ma jiraan waxa war ah oo kadoo baxay labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanada Xadka ee u dhaw magaalada Borama, balse mar aan isku daynay inaan la xidhiidhno masuuliyiinta gobolka iyo jabhada wabar nooma suurtagalin inaan helno.

Waxii warara ee kasoo kordha kala soco shabakada Hadhwanaagnews.

Loading...
Loading...