Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamuj Wax Lagu Barayo Maxaabiista Jeelasha Dalka Ku Xidhan
Barnaamujkan wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee dalka oo kamid ah kamid
ahaa tukumada tiirarkii uu xisbiga KULMIYE waqtigii ololaha bulshada u
ballan-qaaday, ayey maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku xidhani ku heli
doonaan noocyada kala duwan ee waxbarashada teeda dadban iyo midda tooska ahba,
iyada oo maxbuus waliba uu heli doono waxbarasho u dhiganta heerka aqoontiisu
gaadhsiisan tahay.
Daah-furka kaddib xubno uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda Somaliland, Mudane
Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo booqday jeelka weyn ee Hargeysa oo ay
waxbarashada maxaabiistu ka socotay, ayaa soo indho-indheeyey waxyaabaha ay
bartaan maxaabiista kala duwan ee jeelkaas ku xidhani, iyaga oo booqday
maxaabiis baranaysa farsamada gacanta iyo kuwa baranaya waxbarashada heerka
labaad ee jaamacadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Prof. Mubaarak Ibraahim Aar oo jaamacadda uu
gacanta ku hayaa ay fulinaso Barnaamujkan, ayaa caddeeyey inay jaamacad ahaan
daraasad ballaadhan ku sameeyeen heerarka kala duwan ee waxbarashada ay
maxaabiista jeelasha ku xidhani u baahan yihiin, waxana uu ballan qaaday inay
ka midho dhalin doonaan waxbarista maxaabiistaas.
Taliye-ku-xigeenka ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Xasan Cali Dheere, ayaa
isaguna hoosta ka xarriiqay inay maxaabiista kala duwan ee ay gacanta ku hayaan
u diyaariyeen inay waxbartaan muddada ay jeelasha ku jiraan, isa ay bulsahda
ugu noqdaan iyaga oo kor u qaaday xirfaddoodii iyo aqoontoodiiba.
Wasiirku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane
Maxamed Daahir Axmed oo hadal kooban ka jeediyey madasha ay wax ku baranayeen
jeelka weyn ee Hargeysa, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan diyaar u yihiin
fududaynta hawlaha wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku
xidhan, waxana uu xusay in waxyaabaha maxaabiista la barayo ay kamid yihiin
Farsamada gacanta, culuumta shareecada iyo waxbarashada heerarka koowaad iyo
labaad ee jaamacaddu.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), ayaa dhinaciisa tilmaamay inay si hufan oo aqooni horseed u tahay u dejiyeen barnaanujkan, islamarkaana ay maxaabiista kala duwan ee jeelasha dalka ku xidhan heli doonaan aqoon heerar kala duwan leh oo mustaqbalkooda anfacaysa.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani
Maxamuud Caateeye, ayaa shaaciyey in Barnaamujka wax lagu barayo maxaabiistu uu
tiir muhiim ah u ka ahaa ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay
wasaar ahaan ku dhiirradeen inay fuliyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka
hadlaya uu yidhi, "Fikirkan ah in maxaabiista dalka wax la baro, laakiin
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ololihiisa ku galay in la tabobaro
maxaabiista kala duwan ee jeelasha ku jirta, lana ilaaliyo xuquuqiyaadka aasaasiga
ah ee ay leeyihiin, mar labaadkiina waxa uu sameeyey xeer-nidaamihii kala
xadaynta hay’adaha kala duwan ee dalka, kaas oo dhigaya in maxaabiista
waxbarashadooda iyo wax kasta oo lagu horumarinayo la sameeyo, annagan taas uun
buu Ilaahay na garan siiyey oo aannu fulinaynaa.”
Wasiirku waxa uu kula dardaarmay maxaabiista kala duwan ee dalka inay u diyaar
garoobaan sidii ay waxbarashadaas ugu diyaar garoobi lahaayeen, ugana
faa’iidaysan lahaayeen fursaddaas la siiyey, si ay bulshada ugu noqdaan iyaga
oo kobciyey wacyigooda iyo aqoontooda.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) oo barnaamujkan si rasmi ah u daah-furay, ayaa bulshada ugu
bushaareeyey inuu furmay mashruuca ay maxaabiistu wax ku baranayaan,
islamarkaana ay tani sawir wanaagsan ka bixinayso jeelasha lagu xidho dadka
sharciyada khilaafa, waxana uu yidhi, "Waxannu ummadda reer Somaliland u
sheegaynaa in la bilaabayo waxbaristii maxaabiista jeelasha Somaliland ku
jirta, iyada oo xisbiga KULMIYE barnaamujkii ololaha uu ku guulaystay uu ku
ballan-qaaday inaanay maxaabiistu noqon doonin dad la xidhxidho ee jeelasha uun
ku bacoortoonsane ay noqon doonaan dad jeelasha wax lagu soo baro oo lagu soo
dhaqan-celiyo, sidaas darteed waxa bilaabmi doona in wax la baro dhammaan
jeelasha ku jirta jeelasha dalka oo labadii aqooneed e eta dadban iyo midda
tooska ahba la baro oo uu qofkii jeelka ku jiray soo baxo isaga oo wax bartay
oo bulshada wax ku kordhin karaya.”