Guddoomiye Baqdaadi oo Musuq-maasuqa Iyo Xatooyadda Qaran waxa uu ku darsadday Hawlo innagu cusub! W/Q:-Ali Ahmed Kooshin

0
Saturday November 09, 2019 - 20:16:15 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Baqdaadi oo Musuq-maasuqa Iyo Xatooyadda Qaran waxa uu ku darsadday Hawlo innagu cusub! W/Q:-Ali Ahmed Kooshin

    Guddoomiyaha Baanka dhexe Somaliland Musuq-maasuqa Iyo Xatooyadda Qaran waxa uu ku darsadday Hawlo innagu cusub! W/Q:-Ali Ahmed Kooshin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baanka dhexe Somaliland Musuq-maasuqa Iyo Xatooyadda Qaran waxa uu ku darsadday Hawlo innagu cusub! W/Q:-Ali Ahmed Kooshin
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi oo hore loogu eeddaynaayay Musuq-maasuq iyo Xatooyo qaran oo uu ku kacay mudadii uu Xafiiskaas baanka dhexe joogay, isla markaanna bulshaddu ka war hayso sida uu u adeegsaddo Awooddii ama Sharcigii dalka, taasoo dhaawac ku ah Distoorka iyo Dimuqraadiyaddii Somaliland ku naalloonaysay.
Haddase guddoomiye Baqdaadi shuqulladii hore loogu yaqaannay ee Musuqmaasuqa iyo Xatooyadda qaran-ba lahayd, ee awood sheegashadda lahayd waxa uu ku darsadday shuqullo cusub, waxa ilo wareedyo xogogaal ahi ka soo sheegayaan innuu samaystay dhalinyaro uu lacag siiyo oo Facebook-yadda ka ammaanna, isla markaanna ka difaaca baraha bulshadda, taasoo ah dhaqan innagu cusub oo aan Madaxdii hore lagu aqoon.


Guddoomiye Baqdaadi oo u muuqda ruux aan Maskaxiyan fayoobbayn, isla markaanna dhaqanka wanaagsan iyo Milgaha madaxtinnimo ka arradan, oo aan haba-yarraatee anshax madaxtinnimo lagu aqoon, ayaa sida ay ii xaqiijiyeen waxay ii sheegeen in Habeen Dhawayd Si Qarsoodi ah loogu Meheriyay Looguna Guuriyay Inanti Xoghaynta u ahayd Wararkan ayaa sheegaya In uu gudomiye Cali ibraahin ka codsaday Cid kasta Oo arintan Wax kala socotay madashi layku Siiyay Inantana fadhiday inaanay Dibada U Bixin hawshani.

Gudomiyaha Baanka Cali Ibraahin Baqdaadi oo ilaa maalinti Loo xanibay Shabakadi Wararka Ee Hadhwanagnews Loona xidhay Madaxdi Shabakada Ee Dalka Uga Yaacay Awooda Xad dhaafka Ee La Soo baxay gudomiyuhu Ayaan Wali Cadayn Awooda u dheer Ta gudomiyaha Baanka.
Cali Ibrahin baqdaadi Oo Ku Suntan Kuna Caan baxay Cabudhinta Saxafada iyo Caad Saarista Xaqiiqada Runta ayaa Wali ku taamaya Xidhnaashaha Shabakada Hadhwanagnews Iyo Wariye Kasta oo wax Ka Qora inta uu xilka hayo .

Bulshada Reer Somaliland waxaan leenahay Shacabku uma dulqaadan karto Xadhiga Awooda Qarsoon Wata Ee lagu Cabudhinayo Bulshada Dhiibanaysa Fikirkeeda xorta Waxaana Wanaagsan in umadu Kala Xisaabtanto Gudomiyaha Baanka Wixii uu Waxqabad wanaagsan umada Usoo Kordhiyay Iyo Sidii Uu Iskugu Jaan Goyn Lahaa Sarifka Uu Baanka Dhexe usoo Dirayo umada Iyo Suuqa Waxa lagu kala iibsanayo Wax.
Waxa kale oo mihiim ah In gudomiyaha lagala Xisaabtamo inaanu isku wada darin Hantida iyo Shaqaalaha Uu Wada Marsanayo Suuqa Madaw.

Ali Ahmed Kooshin
Hargeisa,Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...