Dhoobo Daareed oo iskaga baxay Garowe iyo xiisad ka dhalatay xilka qaadistiisii.

0
Saturday November 09, 2019 - 08:58:03 in News by
  • Visits: 3070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoobo Daareed oo iskaga baxay Garowe iyo xiisad ka dhalatay xilka qaadistiisii.

    Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maalintii Khamiista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maalintii Khamiista

ahayd ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa iskaga baxay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.


 

Dhoobo daareed oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal oo taageersan ayaa xalay gaaray degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, waxaana lagu waddaa in uu sidoo kale maanta gaaro degaano ka mid ah gobolka Sidda degmada Badhan iyo kuwa kale.



 

Waxgaradka, culimo awdiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa shir uga furmi doono degaano kamid ah gobolkaasi kaas oo ay kaga wada tashan doonaan ayaahooda mustaqbal iyo kan siyaasadeed ee Puntland.


 

Gudoomiyaha oo kasoo jeedda gobolka Sanaag ayaa horay u sheegay in baarlamaanka Puntland weerar lagu soo qaaday, islamarkaana doonayaan in Puntland dadka kunool gobolka Sanaag ay ka tashadaan.


 

Waxaa uu diiday in uu la kulmo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugnaa Magaalada Garowe, waxaana uu sheegay in maamul goboleed kale uu ka dhisi doono gobolka Sanaag.

Loading...
Loading...