Sidee Looga Fal Celinkaraa Hadal Ama Dood Udhexaysa Laba Siyaasi Ama Qof Ka Qaba Aragti Siyaasi Ah Oo Taada Ka Gedisan?.

0
Saturday November 09, 2019 - 08:27:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Looga Fal Celinkaraa Hadal Ama Dood Udhexaysa Laba Siyaasi Ama Qof Ka Qaba Aragti Siyaasi Ah Oo Taada Ka Gedisan?.

    Waxaan halkan kasalaamaya guud ahaan Shacbi weynaha Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkan kasalaamaya guud ahaan Shacbi weynaha Somaliland, iyo gaar ahaan Saxaafadda madaxa banaan,ee kufoogan had iyo jeer soo tebinta iyo tafatirka wararka dalka iyo guud ahaan caalamka kaleba. Qalin maalka xalaasha ah ee aan aan qalinkoodu  geyin, in uu qoro ama soo tebiyo, wararka kutidhi kuteenka ah ee dadka iyo dalkaba ,kala fogaynaya.

 

Akhristow Siyaasadda iyo Siyaasiga,iyo doodaha siyaasadda laxidhiidhaa waa wax aynu lanoolahay,oo nolosheena iyo ta bini,aadamka iyo calaamka kaleba, ay lanoolyihiin, taa macneheedu waxa weeye,siyaasaddu waa lagama maarmaan inta uu bini,admku dunidda kunoolyahay. Tusaale ahaan qoyskaaga iyo maamulkiisu waxa uu ubaahanyahay siyaasad iyo qorshe,mustaqbal,qorshe dhaqaale iyo maaliyadeed iyo mid  horumar, oo aad ku halbeegayso halka aad ujihaysanayso marba . Halkaa markaa waxaa kaaga cadaanaysa hadii qoyskiiba aanu ismaamul iyo maarayn ka maarmin, maxaad umalaynaysaa, umad ama wadan dhan iyo Gobol iyo deegaan!. Waxaa kuusoobaxaysa in ay kaaga baahantahay qorshe iyo jihayn mug balaadhan,oo kuqotonta aragti –fog, iyo in aad fahansantahay,mabaadi,da iyo qorshaha kuu degan ee xaga siyaasadda.

 

Dabcan,waa wax waaqica in aad kaqaybgelayso Doodo iyo Xaflado kala duwan oo siyaasadeed,madal kulminaysa,wajiyo kala duwan oo aragtidaada siyaasiga ah iyo ta Xisbigaagaba kasoo horjeedi karta.Su,aashu waxay tahay,sidee ula dhaqamaysaa, markaa doodo iyo, shirar jaraa,id oo aragtidaada caaridaysa aad doonayso in aad ka-falceliso kana jawaabto?.

 

Inta aanan hadaba u gundo degin jawaabta su,aashan,aan waxooga is yara dultaagno,sida ay isugu jawaabaan siyaasiyiinta maanta ,kujira saaxadda siyaasadda sida ay ubadanyihiin. Waxa aad arkaysaa in  qudbadahoodu ubadanyhiin gole-kafuul,qofkana kama muuqato waxa diyaar garow ah, mana keenayo intaa uu hadlayo waxa ah tixraac oo ah reference ama cadaymo uu uhayo, waxa uu dhinca kale ku eedaynayo.Waxa uu sicad uweerarayaa qofka shikhsiyadiisa,ama qoladiisa, shaqadiisa,habka uu usookoray, iyo waxa uu kasoo shaqeeyey,noloshiisa oodhan.Si uu dadka u xasuusiyo,in uu qofkani yahay qof liita, keliya in uu ahaan jiray qof nocaa kusoo koray.Isma dultaagayo marqudha mawduuca iyo halkuu doonayo in qofkaa ama Xisbigaas kasaxo ee uu kuliito,iyo sida uu isagu kusixi karo. Mararka qaar waxaa muuqanaysa,in cay iyo aflagaado aan loo meeldeyin lagula kaco shikhsi, waayo lagama baqayo in maxakamad iyo garsoor, lala tiigsanayo, oo ay ka dhalan karto qofka hadii shikhsigiisa meel lagaga dhaco.Waayo waxa uu qofkani dareensanyahay, in weligiiba aanu arag qof qudha ama siyaasi qudha oo loo xidhay,ama lagu maxakamadeeyey dhikhsi weerar ama aflagaado wadareed.

 

Tani waxay meesha kasaartay dhamaanba asluubkii suubanaa ee ay ahayd in siyaasiyiinta iyo acyaanta bulshadu ay u doodi lahayeen, bulshaduna intay dhegaysato,hadhow kukala saari lahayeen iyagoo aragtidooda xor u ah,kuna soosaari lahayeen musharax Madaxweyne ama hogaamiye suuban oo booska siyaasiga ah u qalmi kara-ama ku haboon.Waxaad mararka qaarkood ku lablaboonaysaa, hadal siyaasi weyn oo,aad u hanweyneyd hadalkiisa uu oo soobandhigo ,taasoo ku-geyey siinaysa in aadan mardanbe uxiisin hadalkiisa.

 

Waxaa hadaba iswaydiintu tahay,sidee looga falceliyaa dood ama argti-siyaasi ah oo taada kasoo horjeeda?.

 

Waxaa muhiima in aynu maanka kuhayno,in aynu nahay dad islaam ah,oo aan waxay doonaan kuhadlin, ciday doonaana qadaf iyo canbaarayn dusha kaga tuurin bilaa cadayn. Nebigeenu (Csw) waxa uu inoo sheegay in calaamadaha munaafiqa ay kamid tahay in markuu doodayo, uu jiidhsiiyo been iyo runba isagoo aan umeel deyin, ee doonayo keliya in uu doodaa kuguulaysto, iyo in waxkastoo qofku kuhadlo laga qorayo oo lagula xisaabtamyo akhiro.

 

Taasi waxay sahlaysaa in uu qofku doodo lakiin is ilaaliyo.

 

A  Soodiyaarso mawduuca aad doonayso in aad kahadasho,adigoo eegaya tixraaca hab naqdintaada(references of criticism)

 

B   Kusalee doodaada pointiga aad dhaliilayso-ama kadoodayso,iskuna day in aadan mawduuca kabixin.

 

C   Ka-fogow in aad shikhsiga qof ahaantiisa u weerarto,sida shaqadiisa, koriinkiisii hore,reerkooda iyo degaankiisa iwm.

 

D   Madaama oo aad tahay kaadir kama hogaanka siyaasada ama shaqaale dawladeed,waa in aad lahaataa,ama meteshaa qof aad umalaynkarto, in uu siyaasadda wax kusoo biiriyey,sida siyaasiyiin iyo hogaamiya yaashii islaamka-ama caalamka gaaladaba,si aad udheegan karto hab-doodeedkiisa tolmoon, ee kucaawin karta.

 

Intaa iyo ina kale oo aanan koobi Karin hadii aynu dabiqi karno waxaan filayaa in aynu kafogaan karno, fawdo inagaga habsata hab doodeed keena siyaasadeed iyo ka-falcelintiisa.

 

Qore

Hussein f Sagal

Qoraa madax banaan, daneeye- arima bulshada iyo siday ugu xidhmi karto xidhiidhka caalamiga ah

Socio-international relations

Gothenburg Sweden

[email protected] 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...