Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.1aad ( Abdi-shotaly).
Shalay oo ay Taariikh-du ahayd 07/11/2019 (wakhati fiidnimo dambe ah)
magaaladda London ee Caasimadda dalka UK, oo laga joogaa 16 sano
kolkii ay tiialle ku timi mujaahidkii (Cabdiraxmaan Axmed Cali (Illaah
Naxariistiisa ha ka waraabiyo'e), maalin-taas oo ku beegnayd 2003ggii,
sidaas awgeed waxan halkan idiinku soo gudbinayaa, sooyaalkii uu cagta
ku soo dhuftay Madax-weynihii ugu horeeyey ee Somaliland Mudane "
Abdirahman Ahmed Ali" Oo ku magac dheeraa Abdirahman Tuur, Wuxu ku
dhashay magaala madaxdda Gobolka Togdheer ( Burco), sanadkii 1923 kii Dabayaaqa-diisii, wuxu dugsiga hoose ee Burco galay markay
da'diisu ahayd 11 jir, oo ah ka-ka dambeeya dawladda hoose, oo markaa la
odhan jirey Tog-dheer Elementary School, Dugsiga dhexena wuxu ka galay
Sheekh 1935kii, isaga oo isna dhameeyey 1938kii, waxay isku fasal
ahaayeen (Ihun) Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo rag badan oo kale,
kuwaas oo caan ku ahaa Maamuladdii Somaliya, isla sanad-kaas
dabayaaqa-diisii, wuxu galay dugsiga sare ee sheekh, wuxu ahaan jirey
ardaydda ugu xariifsan fasal-kiisa, sidda laga hayo (Ihun) Mohamed Xaaji
Ibraahin Cigaal isaga oo ka baxay sheekh sare 1942-ggii. ( 4 sano ka
bacdi). Kabacdi Wuxu wax ku soo bartay Jaamacadda Suudaan ee la yidhadho
" Umul durmaan University" Wuxuu la dhashay 19 caruur ah oo ay
walaallo yihiin, Dhanka hooyadda wuxu kala walaal ahaa 7 nin iyo hal
gabadh ah oo Ilma Aadan Qalab-jaan ah, dhanka aabaha-na wuxuu kala
walaal ahaa 8 nin iyo 4 hablo ah ( waa isku 19) iyo isaga otao ku 20 ah.
Waxa ka mid ah Aabihii Tacliinta ee Somalia (Ihun) Mudane Mohamoud
Ahmed Ali.
Isla markuu ka qalin jebiyey Jamacadda, Cadbiraxmaan Axmed Cali
(Tuur Ihun) Wuxu ku biiray gobonimo doonkii u halgamaayey xoriyadda
Somaliland, oo wakhti-gaas ay xukumi jirtey Boqortoo-yaddii Ingiriisku,
oo uu ka noqday Xog-hayaha isku duba-ridda halgankii dhaq-dhaqaaqa
xornimo doonka kooxddii waday, kaas oo uu madax ka ahaa Mohamed Xaaji
Ibrahim Cigaal ( Labada-ba iyo intii kale-ba illaah janadda ha
waraabiyo'e). Hadaba maamulkii ugu horeeyey ee ay yeelato Somaliya (
wixii lagu sheegi jirey Isku darka Koonfurta iyo waqooyiga), Wuxuu
noqday Safiirkii ugu horeeyey ee loo diro Dalka suudaan ilaa iyo 1969kii
halkaas buu joogay, markaas oo uu isu sharaxay baarlamaankii Somaliya,
isaga oo Bishii April 1969kii Xusbi ka furtay Burco la odhan jirey "Shan
Farood iyo Calaacal" Laakiin nasiib darro kuma uu guulaysan in uu
noqdo dibi-taati (MP) ka mid ahaadda Baarlamaankii markaas la doortay.
Markaa dabadeed, waxa ka dib loo wareejiyey in ahaado Safiirka
Itoobiya u fadhiya Somaliya. Mudo markuu safiir ka ahaa Itoobiya laga
bilaabo badhtamahii 1969kii ilaa iyo dagaalkii dhex maray Somaliya iyo
Itoobiya ee ahaa 1977-1978kii, ka dibna waxa loo bedelay in uu safiir ka
noqdo dawladda Isu-taga Imaaraadka Ccarabta. Markii ay ahayd taariikh-du bishii March 1987 buu soo galay dalka UK, halkaas oo uu kaga biiray Halgankii SNM. Wuxu mar-kiiba noqday Gudoomiyaha UK, Xafiiskii SNM ee London,
kuna yaalay Xaafadda East London ee dariiqii la odhan Jirey Cleveland
Street, Madax-weyne Cabdiraxmaan (Ihun), Wuxu dhisay siyaasaddii SNM ee
debedda isaga oo albaabadda u soo xidhay isla kolkiiba, wixii aduunka uu
ka dhaadhicin jirey maamulkii Af-weyne, isaga oo shaaciyey wixii la
qarin jirey ee xasuuq, dil iyo dhibaato loo geystay Ummaddii reer Sheekh
Isaxaaq markaa sheegan jirtey, iyo dagaalkii lagu dabar gonaayey,
Isaga oo ahaa wakiilkii SNM ee u fadhiya Boqortoo-yadda Ingiriiska iyo
dan jirahii Europe ee dhanka siyaasadda.Wuxu ku guulaystay in caalamku (
Gaar ahaan Wadamadda reer galbeedku) ay markii ugu horeysay indhaha ku
kala qaadaan, ogaadaana waxa meesha ka socdaa sidda ay yihiin, kana digo
rogtaan wixii uu ku dhuri jirey Keliggii taliyihii Af-weyne, markii uu
xaqiiq-ddii taab-siiyey.
La Soco Qabta 2aad.
* N.B Rabbiyaw Godka U Nuur, Gargaar-kaaga Ugu Deeq!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...