Ma Dhabaa In Ayaan Cashuur Lagaga Qaaday Xilkii Wakiilka Somaliland Ee UK Sawirkii Ay La Gashay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde?

0
Friday November 08, 2019 - 21:01:46 in News by
  • Visits: 4283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Ayaan Cashuur Lagaga Qaaday Xilkii Wakiilka Somaliland Ee UK Sawirkii Ay La Gashay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde?

    Ma Dhabaa In Ayaan Cashuur Lagaga Qaaday Xilkii Wakiilka Somaliland Ee UK Sawirkii Ay La Gashay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabaa In Ayaan Cashuur Lagaga Qaaday Xilkii Wakiilka Somaliland Ee UK Sawirkii Ay La Gashay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde?


Ayaan Maxamuud wakiilkii Somaliland u qaabilsanayd Ingiriiska ayaa ka jawaabtay hadal hayn badan oo ka dhalatay xil ka qaadisteeda.




Arrimaha lala xidhiidhiyay xil ka qaadisteeda waxa ka mid ah shir mucaaradka iyo muxaafadka la isugu soo dhaweeyay iyo sawir ay la gashay Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Waddani.


Qoraal ay Ayaan Maxamuud arrintan kaga jawaabtay ayaa u dhignaa sidan:-

Aad ayaan uga xumahay mid mid idiinkuma mahadcelin karo – dadkiinii social media igala la soo xidhiidhay si guud iyo si gaar ah. siiba dhallinyarda iyo Jaaliyada guud ee Somaliland ee UK siddii ay uga falcelisay in xilkii aan u hayey Qaranka somaliland madaxwaynuhu u egmado Danjire kale. In aad siddaas ii karaamayseen wax wayn bay ii tagay iyo shiidaal aan ku sii socdo mudo dheer. Kali cidna wax kuma qabato – team ayaa ila shaqaynayey; dad xariir ah ayaa i daba taagnaa. Qaarkood maalina kama ay soo muuqan media – waxaa tusaale dadkaas u ah Maxamed Ziddiiq Ismaaciil qofka website iyo xogta qaranka noo haya. DR-Faisal Mohamed Ahmed oo mararka qaar kowda habeenimo iyo ka dib nala soo howda. Abdi Ahmed ma ilaawi doono – way yar tahay, habeen aan baabuurkiisa baabuur aan ahayn kasoo raacay west London. dadkaas iyo in ka badan maaha shaqaale la yaqaan, maahana shaqaale u shaqeeya xafiiskeena waa dad Ilaahey Qarankooda u diray. fiisabiililaah. Qofwalba oo reer Somaliland ah wax ayuu ku darsadaa hawshay Qaranka. inta muuqata inta aan muuqan ayaa ka badan, se way iswada ogyihiin.


Isdirayaasha waxaan intaas uga magacaabay shaqadooddu joogto ayay ahay. Waxaan annigu aaminsanahay dad isku qaran ah, dan ah, waayo ah, oo isku aayatiin ah ayeynu nahay. waxaa aan u dadaalaynaa dhamaanteena waa in jiilka soo kacaya aayatiin fiican yeesho.


Arrinta magacaabista iyo xil ka qaadista dad badan ayaa isoo waydiiyey. Kow, horta xilku waa meerto oo post waxa oo ka dhaxeeyaa reer somaliland oo dhan, maaha kursi aan soo iibsaday oo aan lahaa.


Dadka qaar waxay xidhiidh ka dhexeysiiyeen shirkii Jimcihii lasoo dhaafay ee midaynta iyo xil ka qaadista – Halkan waxaan ka cadaynayaa in aan shirkaas dawlada ku metalayey, oo uu ahaa shir la isku wada waafaqsanaa mucaarad iyo muxaafid. Sawirka xildhibaan Jirte ee la wareejinayo oo la leeyahay ” tolow ma sawirkan baa galaaftey! Annagu sawir uun baan wada galee, madaxdu iyagaa baasto wada cuna. Waatii Jirte inoo sheegay


Ta labaad, Madaxwayne Muse Biihi Abdi waxaan u dooranay in oo masuuliyada Qaranka qaado. waxaa jira Masuuliyado aan cidi la lahayn, oo issaga uun oo leeyahay. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxwaynaha si buuxda mudadii oo xilkaas igu aaminay in Madaxwaynaha iyo Dowladiisa oo idili si buuxda iila shaqaynayeen.


Maantana guul ayeynu joognaa oo hawlaha meel fiican ayey marayaan kor uun baan usii qaadaynaa, dhamaanteen oo isku dooban.


Gunaanadkii aan u wada ducayno safiirka cusub – Danjire Abdi Abdilaahi si sharaf lehna usoo dhawayno.

Loading...
Loading...