Fatahaadaha Baladwayne Oo Saamayn Ku Yeeshay Xalwadii Lagayn Jiray Somaliland.

0
Friday November 08, 2019 - 19:01:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fatahaadaha Baladwayne Oo Saamayn Ku Yeeshay Xalwadii Lagayn Jiray Somaliland.

    Xalwad La,aan Soo Foodsaartay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Keentay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalwad La,aan Soo Foodsaartay Magaalada Hargeysa Iyo Sababta Keentay.


Hargeysa(HWN):-Magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland ayey saameeyeen fatahaadaha wabiyada ee ku dhuftay deegaanada kala duwan ee gobolka Hiiraan ee dalka soomaaliya.



Magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu dambeeyey gabaabsi laga dareemay suuqii xalwada ka dib markii ay istaagtay xalwad laga soo dhoofin jiray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay fatahaado ku dhufteen isla markaana ay dadkii ka ganacsan jiray xalwadu ku barakaceen.



Suuqyada magaalada Hargeysa ayaa laga waayey xalwadii ay bulshadu iibsan jirtay isla markaana mararka qaarkood jumlad ahaan loogu iibsan jiray xafladaha kala duwan,iyada oo ganacsatadu ay bulshada ku wargelinaysay in fatahaadaha wabiyada ee Beledweyne ay joojiyeen xalwad ay soo dhoofsan jireen.


Shacabka magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn u hadal hayey xalwad la,aanta soo foodsaartay iyo saamaynta ay ku yeesheen fatahaadaha wabiyadu ee keentay in xalwadu kala go’do.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...