Talyaaniga oo soomaaliya Ugu Deeqay Malaayiin Doolar.

0
Friday November 08, 2019 - 16:51:51 in News by
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo soomaaliya Ugu Deeqay Malaayiin Doolar.

    Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan taasoo ku baxayso lacag gaareysa 3 Milyan oo Euro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan taasoo ku baxayso lacag gaareysa 3 Milyan oo Euro.


Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs; Fowsiiya Abiikar Nuur oo u saxixiday dowlada Soomaaliya heshiiskan ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed.






Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.


"Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.


Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.


Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.


"Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wasiir Fowziya.


Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka iyo gacan ku haynta Ibitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho biloowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa dad ka badan 40,000.


Loading...
Loading...