Hadalka Dr. Gaboose Ma Firkanax Nabadda Ceel_Afweynbaa

0
Friday November 08, 2019 - 10:03:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalka Dr. Gaboose Ma Firkanax Nabadda Ceel_Afweynbaa

    Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa diktoor aad looga xushmeeyo Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa diktoor aad looga xushmeeyo Somaliland,
 si gaarana xifaddiisa dhaktarnimo loogu tixgeliyo.   Hadalka dhowaan ka soo yeedhay  Dr. Gaboose oo dad badan fajac ku reeebay ayaa u muuqday mid la xidhiidha nabadda maalin ka hor ka hirgashay Ceel Afweyn ee si kama dambaysa loogu soo af jaray colaadii muddada dheer soo socotay, hadalka Dr. Gaboosena oo yimi maaliln ka dib ayaa u muuqda firkanax iyo falcelin degdega iyadoo ay u muuqato in Diktoorku u arkaayey sii jiitanka colaadiisa fursad siyaasadeed.   

 

Markay u caddaatay in la soo afmeeray colaadii Ceel Afwene, Dr Gaboose wuxuu u wareegay shir mala awaala oo uu leeyahay waxa lagaga dhawaaqay Burco.  Shirkaas ilaa bilowgii hadalahayntiisa waxa fool eryaayey shan Suldaan oo beesha bariga Burco ka socda oo meel soke wax ka eegay.   Dadka ilaahay baa kala fadilay una kala saaray indhow–garad iyo indheer-garad.   Waxan hamblayo u dirayaa salaadiinta beesha bariga Burco intooda indheer-garadka ah oo ugu horreeyo suldaanka guud ee bessha Suldaan Cabdillaahi Suldan Cali, Boqor Maxamuud Cali Carab, Boqor Buurmadow, Suldan Mustafe iyo Suldan Axmed Y. Ducaale oo iyagu ilaa bilowgii aamusnaan sharafeed ka qaatay arrinta shirkaas.  Waxan si gaara ugu mahad naqayaa Suldaan Ibrahaim Adan Daldal oo shir jaraaid oo dhowaan London ka dhacy si xirfadaysan isooga leexiyey arrinta shirkaasi.

 

Hadalka degdega ah ee diktoorka waxa ku jiray waxyaalo aanu si qoto dheer u lafo guran oo ay ugu horreyso inuu madaxweynaha kula taliyey inuu xaal ka siiyo beesha bariga Sanaaag aflgaadadii taliyaha guud ee ciidanka qaranka.   Jeneraalka ciidanku wuxu hadal xaqiiqada ku qotoma ka sheegay ciidan ka tirsanaa ciidanka qaranka ee uu madaxda u yahay oo u goostay dhinaca Puntland mana jirto meel uu weligii ku aflagaadeeyey beel keli oo Somaliland degta.   Hadalka jeneraalka ee uu sheegayaa  wuxuu ahaa mid runta ku qotoma iyadoo ay caddahay in ciidanka intii Somaliland u daacada ahaydna weli joogaan goobahoodii intii awelba lugooyada kula dhex jirtayna ka baxeen.   Waxa kale uu Dr. Gaboose ku eedeeyey madaxweynaha inuu diiday shuruudihii oday dhaqameedku ula tageen oo uu weliba sawir ka duubay.  Shuruudaha uu sheegayo wax ka mid ahaa in Caaro General nimo la siiyo iyo in lacag malaayin doolar ah dawladu bixiso.  Dr. Gaboose waa ogayahay inaanu shurudahaa isaguba yeeleen, waxayse ku fiicnayd inuu madaxdhaqameedka marka hore kula taliyo inaanay waxaa madaxweynaha ula tegin.   Taasi waa mid isaga seegtay.

 

 

Abokor Baaruud

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...