Xildhibaano Ka Hadlay Aragtidooda Ku Waajahan Heshiiska Ay Gaadheen Beelaha Ceel-afweyn

0
Friday November 08, 2019 - 09:39:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Hadlay Aragtidooda Ku Waajahan Heshiiska Ay Gaadheen Beelaha Ceel-afweyn

    Hargeysa (HWN)-Xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha Guurtida iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha Guurtida iyo
Wakiilada ayaa ka hadlay heshiiska ay gaadheen labada Beeloo ee wada dega Ceel-afweyn, waxayna sheegeen inay aad u soo dhaweeyeen, waxayna kula taliyeen inay iska ilaaliyaan dagaal dambe oo dhex mara.



Xidlhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo ka tirsan Wakiilada, Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka tirsan Guurtida iyo Xildihbaan Khadar Xuseen Sahal oo isna ka tirsan Guurtida, oo ka hadlay heshiiska Ceel-afweyn ayaa ugu horeyn  Xidlhibaan Ibraahim Axmed Raygal wuxuu yidhi "Waxaan leeyahay ILLAAHAY baa mahad leh, waxaan u mahadnaqayaa ALLAAHA nabada waafajiyey labada Beelood, mahadnaqa ILLAAHAY kadibna iyaga ayaa hambalyeynayaa, aad iyo aad baan ugu faraxay arintaas, waxaana ugu ducaynayaa inuu ALLE nabada u adkeeyo, anigoo ah Xildhibaan Raygal iyo Gobolka Saraar ee aan Wakiilka ka ahay waanu hambalyeynaynaa heshiiskaas wanaaga iyo sharafta ku soo dhammaaday, ee nabada lagu gaadhay”.


Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo mid ah Xildhibaanada labada Beelood, kana mid ah Xildhibaanada ka qayb qaatay heshiskan oo  arintan ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaanu soo dhaweeynaynaa dhawaaqa wanaagsan ee caafimaadka qaba ee ka soo yeedhay Ceel-afweyn iyo Dararweyne, halkaas oo ahayd meeshii afarta sannadood dagaalku ka socday, oo maanta nabadi ka soo yeedhay dadkii halkaas isku dilaayey, ee maanta ILLAAHAY garan siiyey inay dagaalka joojiyaan, heshis nabad iyo xabad joojina ku dhawaaqay, haddii aanu nahay Golaha Guurtidana bogaadin baanu u diraynaa iyo amaan aanu leenahay ILLAAHAY ha idiin gargaaro, dilka soconaya ee aad garateen waxaa uu ku saleeysan yahay ee inta badan soconayey haddii aad joojiseen oo aad garateen in aanu ahayn wax loo baahan yahay dhiigaas daadanaya bogaadin baanu idin soo diraynaa, cadawgiina nabadiina cadawga ku noqonaya ILLAAHAY ha idinka qabato, nabada aad gaadheen cidii cadaw ku ah ILLAAHAY ha idinka qabto, dad wada dhashay ayaa tihin, dad dhul kala qaadaya ma tihidin, dad isku mid ah oo aan laba reer kala ahayn baad tihiin, jin baad idinka kala dhex galay ee jinka ALLE ha idinka saaro”.


Xildhibaan Khadar Xuseen  Sahal oo isna ka mid ah Xildhibaanada labada Beelood kana qayb qaatay heshiiskan oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaa soo maray Degmada Ceel-afweyn, abaaro aad iyo aad u badan iyo colaad, ILLAAHAY wuxuu ugu bedelay barwaaqo iyo nabadgalyo, mar haddii qalbi wanaagsan oo saliima lala yimaado ILLAAHAYNA uu idiin siyaadinayaa, cadaabta ifka colaad iyo abaar wax ka xumi ma jiro maantana ILLAAHAY labadiiba uu idinka dulqaaday, waxaad garateen haddii aad tihiin Ceel-afweyn idinkoo madaxdiina dhaqanka iyo culimadiiniba meesha marayso inaad is afgarataan, oo gacmaha is qabsataan, waxaanu leenahay ALLE ha idinku guuleeyo, aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin, waajib idin saarna ayaad gudateen, wixii kale ee dhibaato idinku wadana ALLE ha idinka qabto, anaguna haddii aanu nahay Golihii Guurtida iyo Xukuumad ahaanba waanu idinla eegaynaa nabadgalyadaas aad gaadheena ciddii idinka taataabata waanu idinla arki doonaa insha allaah, Xukuumaddana waxaan leeyahay heshiiskaas ka soo baxay Ceel;-afweyn waa inaad ku taageertaan”.

 

 

Loading...
Loading...