Xeeb Ku Taal Finland Oo Uu Daboolay Baraf Sida Beedka Usamaysan

0
Friday November 08, 2019 - 09:31:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeeb Ku Taal Finland Oo Uu Daboolay Baraf Sida Beedka Usamaysan

    Kumannaan dhaxgaan baraf ah oo qaabka ukunta u sameysan ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumannaan dhaxgaan baraf ah oo qaabka ukunta u sameysan ayaa
daboolay xeeb ku taalla Finland, arrintan oo ka dhalatay isbeddelka cimilada.



Sawir-qaade aan khibrad lahayn oo lagu magacaabo Risto Mattila ayaa ka mid ah dadkii la kulmay "ukumaha barafka ah" ee Xeebta Jasiiradda Hailuoto eeGacanka Bothnia oo u dhaxeeya Finland iyo Sweden.


Khubarrada ayaa sheegay in arrintan ay sababtay xaalad dhif ah oo isbddelka cimilada ah, taasoo keenta in dhagxaan yaryar oo baraf ah ay soo xaaqaan dabeylaha iyo biyaha.


Mr Mattila, oo ka soo jeeda magaalada yar ee xeebta u dhow ee Oulu, ayaa u sheegay BBC inuusan weligii hore u arkin wax sidaasoo kale ah.


Mr Mattila ayaa sheegay in ukumaha barafka ah ay dabooleen dhul cabbirkiisu yahay ilaa 30m. Kuwa ugu yar waxay la ekaayeen ukumaha halka kuwa ugu waaweynna ay kubbad la ekaayeen.


Khabiirka Cimilada ee BBC George Goodfellow ayaa sheegtay in ukumahan barafka ah ay ka sameysmeen dhagaxaan baraf ah oo waaweyn kuwaasoo ay dabeyluhu kala jarjareen ayna ka dhigeen kuwo wareegsan.


"Waxay sameysmi karaan marka biyaha badda ay barafoobaan waxayna noqonayana kuwo jilicsan. Sidaas darteed waxaa ka sameysmaya baraf wareegsan oo kaddibna xeebta tagaya, ama halkaasi ayay dabeyluhu geeyeen ama xaggaas ku haray."


Arrintan oo kale waxay ka dhacday meelo badan, sida Ruushka iyo Harada Michigan oo u dhow Chicago.

Sanadkii 2016 dadka deegaanka Nyada ee dalka Serbia ayaa arkay ukumo baraf ah oo daboolaydul dhan 18km (11-mile) oo xeebta ah.

 

BBC

 

Loading...
Loading...