Hadalkii Dr. Gabboose Saamayn Intee leeg ayuu ku yeeshay Xukuumadda, Mucaaridka Iyo Bulshadda Somaliland

0
Thursday November 07, 2019 - 23:17:07 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 2604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalkii Dr. Gabboose Saamayn Intee leeg ayuu ku yeeshay Xukuumadda, Mucaaridka Iyo Bulshadda Somaliland

    Hadalkii Dr. Gabboose Saamayn Intee leeg ayuu ku yeeshay Xukuumadda, Mucaaridka Iyo Bulshadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkii Dr. Gabboose Saamayn Intee leeg ayuu ku yeeshay Xukuumadda, Mucaaridka Iyo Bulshadda Somaliland
Hadii aan ku cabiro fikirkayga salimka ah ama tacliiq kaga bixiyo hadalkii siyaasiga ahaa ee Dr. Mohamed abdi gaboose, shalay kaga hadlay arrimo badan oo ku gudaaman xalada siyaasadeed iyo ta daruufeed ee ka jira dalkan jsl iyo saamaynta uu hadalkani ku yeeshay dhinacyada kala ah . Xukuumada talada haysa, Asxaabta Mucaaridka ah, iyo Bulshada Somaliland.

Waxan halkan hoose ku xusi doona saamaynta uu hadalka Dr. Gaboose ku yeeshay sadexdan qaybood.


1. Dhanka Xukuumada, hadan eegno, Hadalkan dr gaboose waxa uu ku noqday, mid falaadh ah oo ayna filayn, isla markaana ku riday salbabakh siyaasadeed, iyo jaha wareer, sida ka muuqata jawaabaha kala gedisan ee ka so baxaya masuuliyiin ka tirsan xukuumada iyo xisbigeedaba.
Marka aan si kooban uga hadlo , hadalkii dr gaboose, waxyabaha uu ka hadlay 90% waxay ahaayeen waxyaabo jira oo dalka ka jira isla markaana ah caqabadaha siyaasadeed ee maanta dalka iyo dadkaba haysta kuwas o aan la dafiri karin.

Hadii aan eegno jawabaha masuliyiinta Xukuumadu ka bixisay hadalka dr gaboose, Sida runta ah waxay ahaayeen kuwo aan lo anayn karin ama aan difaac u noqon karin hadalka dr gaboose, sidoo kale waxay ahayeen kuwo aan dabakhayn mawduuca ui ka hadlay doctorku, isla markaana aan beenin waxyabihi uu sheegay doctorku balse lo fasiri karo, kawabahan kuwo ayiday hadalkii doctorka.

Waayo, jawabahani waxay kaliya ahaayeen, kuwo shaqkhsi iyo xirfad werar ah kana hadlayey, xirfada is ahaaned uu u ku shaqeeyo doctorku, lana xidhiidha cisbitaalka uu iskii u leyahay doctorku iyo adeega caafimad ee u bulshada u fidiyo, feega la charge gareeyo. (iyadoo geel loo hesayo ayay goroyo u heeseen. ) Marka halka ay shuurada ka darsadeeden xukumadu, aya markhati u ah, in hadalka dr gaboose uu salbabakh iyo filan waa ku nowday Xukuumada.

Xukuumada logama fadhiyin mihnada ama xirfada doctorku ku shaqaysto, ee gaarka ah, taasi oo uu kala simanyahay bulshada faraha badan ee xirfadaha kala gedisan ee cafimaad, ganacsi, iyo adeegyo kale oo private ah leh kuwas oo ugu adeega bulahada.kaalin weyna ugu jira. balse waxay ahayd in xukumadu ay si hufan uga jawaabto isla markana ay deedifayso hadii ayna jirin caqabadahan siyaasadeed ee u dr gaboose ka hadalay ayadoo umada uso bandhigaysa daliilada cadaynaya in aanay jirin caqabadahani., si taas la mida hadii ay jiraana caqabadahanina waxay ahayd in xukuumadu qirato isla markana ay bulahada u sheegto dorka ay ka qaadatay, xali nta caqabadahan iyo waxyabaha uga qorshaysan Maaraynta caqabadahan taagan. halka ay ino tilmaamaya adega uu cibitaalka dr gaboose garka u leeyahay iyo charges adeegas ee bulshadu bixiso.

2. Asaxaabta Mucaaridka, hadii aan eegno saamaynta uu hadlakn dr gaboose ku yeshay, Waxan shaki ku jirin, in hadalkan doctorku, uu ahaa mid uu Ku qaatay, Doorkii iyo kaalintii Asxabta Mucaaridka ahi ku lahaayeen masraxa siyaasada kasi oo in mudo ahba ay bulshadu isweydiinaysay, isla markaana ahaa kalin ku banaan bulshada o ay ka sexdeen xisbiyada mucaridka ahi.

Markaa ayaga qudhooda waxa uu hadalkan doctorku ku ahaa Falaadh iyo mid ayna filanayn, ilaa hadana ayna u ahayn marin ay kaga hadlaan , mid ay ku tageran iyo mid ay kaga horyimadan oo ay ku beeniyan caqabadahan siyasadeed ee dalku ku suganyahay maanta.
( Waa af gudhiyo) Way adagtahay in aad wax ka tidhaahdo, hadalkii aad lahayd ee adiga laga eegayay odhahdiisa marka cid kale oo an lahayni tidhaahdo. marka sidas bu asxaabta mucaridka ahna usaameyay hadalka doctorku.

3. Hadii aan iyadana waxa ka nidhaahno saamynta uu hadalkii doctorku ku yeeshay bulshada inteeda badan ee la socota xaalka dalka, isla markaana ka run sheegaysa arrimaha dalka iyo waxyabaha dhabta ah ee u ku suganyahay.
Waxan.shaki ku jirin in hadalkan doctorka, ay si mug iyo misaaan leh usoo dhaweeyeen, bulshada inteeda badani, isla markaana uu ku noqday fajaciso ay ku farxeen oo ayna filayn.

Waxa uu galiyay dareenka bulshada hidiilo , wacan taasi oo so kicinaysa waxgarad fara badan, kuwas markii hore niyad jab ka taagna arrimahan siyaasada ee sii qasmayay, isla markana ku abuuray moral xumo. Dhanka kale waxa uu hadalkan dr gaboose waxa u uga dhigana aqoonyahanka iyo bulshada kuwo helay cid ka furata kaalintii ay ay hayeen isla markana ay ku baneeyen asxaabta mucaaridka ahi ayadoo sanadihii u danbeeyayba uu aqoonyahanka iyo bulshadu, dalku ayagu ahaayeen kuwo qaatay doorkii mucaaridka isla markaana ay marwalba isku muruxsanayeen xukuumada iyo aqoonyahanku iskagana hor imanayeen caqabadaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Gabo gabo Waxan odhan karna hadalkii doctor gaboose, waxa u ahaa mid saamayn togan oo kala gedisan ku yeeshay dhamaanba qaybaha kala duwan ee aan.ka soo hadalnay. waxanu curin doona aragtiyo fayow, oo dhirigaliya waxgaradka badan ee dalkan iyo dadkan lexjexladu ka hayso, kuwaas oo hore aad uga walacsana marxaladahan siyaasiga ah.

Cali Xasan Cawaale
Hargeisa,Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...