Cali Baqdaadi Maskax Ahaan Ma Dhama, Waanu fashilan Yahay Ee Madaxweyne Xilka Ka Qaad…W/Q Khadar Shugri

0
Thursday November 07, 2019 - 21:53:14 in Articles by
  • Visits: 1584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadi Maskax Ahaan Ma Dhama, Waanu fashilan Yahay Ee Madaxweyne Xilka Ka Qaad…W/Q Khadar Shugri

    Cali Baqdaadi Maskax Ahaan Ma Dhama, Waanu fashilan Yahay Ee Madaxweyne Xilka Ka Qaad…W/Q Khadar Shugri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadi Maskax Ahaan Ma Dhama, Waanu fashilan Yahay Ee Madaxweyne Xilka Ka Qaad…W/Q Khadar Shugri


Tan iyo wakhtigii uu talada qabtay madaxweyne muuse biixi cabdi waxa isa soo taraya dhaliilaha loo jeediyo iyada oo aanay ka muuqan nin adaygii lgu sheegi jiray marka la eego rakaabka uu urursaday oo u badan qaar bilaa saamayn ah oo aan dalka la wadi Karin.



Gudoomiyaha Baanka ninka la yidhaa Cali Ibraahin Baqdaadi waxa uu ka mid yahay dadka lagu sheegay masuuliyiinta ee faashilka ku ah xilkii madaxweynuhu u igmaday ee hadana hadimada, afxumada iyo gumaynta la daba taagan bulshada somaliland.


Gudoomiyaha Baanka oo ah shakhsi mudo badan qurba joog ahaa isla markaana aan xaaladaha dalka loo soo maray la socon waxa uu hada yahay mid qarda jeex kula socda madaxweynaha, baankii masuulka looga dhigayna wali waxa uu go’aamin kari la yahay inuu isku sar gooyo qiimaha sarifka iyo qiimaha maceeshada oo aad u kala tagsan kaas oo samayn taban ku yeeshay noloshii dadka danyarta ah balse uu isaguna ku mashquulsan yahay waxyaabo kale oo aan dan u ahayn umada.


Cali Baqdaadi oo aan isleeyahay waxa hada ku soo baxday dhaawacii ay maskaxadiisu kala kulantay daroogooyinkii khamrigu ka mid ahaa ee uu sida baas ugu isticmaali jiray wadamadii qurbaha ee uu joogi jiray ayaa hada u baahan in umada laga qabto, bal hada eega waa ninka caruur yar yar facebook u samaystay oo ku yidhi dadka ka caaya, waa ninka isaga laftiisu dadkii meel walba ka caynaya ee aad maraarka qaarkood is odhanayso malaa maskax ahaan uma dhama ninkan gaaban ee bidaarta leh.


Waa ninka doonaya inuu hadal guul wadayn ah iyo dooda raqiis ah doonaya inuu ku dado musuq maasuqa uu sameeyey iyo xoolihii umada ee uu xaday kuwaas oo saxaafadu fashilisay guryaha waa weyn ee uu ka dhisanayo hargeysa,haduu miyir qabana kuwaas muu dafireen balse waalid ayaa ku tidhi caqliga dadka cay oo kuwaas qari, waxaan leeyahay cawa iyo bariba waa la qorayaa oo waa lagu waydiinayaa halka aad ka keentay lacagta aad guryahan ku dhisatay.


Madaxweynaha uu u shaqeeyo waxa waajib ku ah inuu umada ka qabto ninkan aan maskax aahaan u dhamayn ee cali baqdaadi oo waalidiisu ay dadka ku keentay kibir uu cid walba ula tagayo, ninkaas haddii aanu madaxweynuhu ka qaban dadka walee inuu badweyn halis ah lugaha u galin dawlada.


Cali baqdaadi waa in si deg deg ah xilka looga qaadaa inta aanu umada sii fasahaadin ee aanu dhibaatooyin kale madaxa u galin madaxweynaha, waxaana haatan muuqata inuu u baahday khamrigii ay maskaxdiisu la qabsatay ee uu ku cabi jiray qurbihii uu ka yimid.


Waxan ku soo kobayaa maqaalkayga madaxweyne si deg deg ah xilka uga qaad ninkan kibirka iyo waalidu madax martay ee cali baqdaadi.


Khadar Shugri

Email:-[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...