Siyaasi Cali Baashe Oo Ka Mid ahaa Kaadirinta Xisbiga Kulmiye Oo Walaac Ka Muujiyay Hogaanka Madaxwayne Muuse

0
Thursday November 07, 2019 - 20:29:12 in News by
  • Visits: 3080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Baashe Oo Ka Mid ahaa Kaadirinta Xisbiga Kulmiye Oo Walaac Ka Muujiyay Hogaanka Madaxwayne Muuse

    Siyaasi Cali Baashe Oo Ka Mid ahaa Kaadirinta Xisbiga Kulmiye Oo Walaac Ka Muujiyay Hogaanka Madaxwayne Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Baashe Oo Ka Mid ahaa Kaadirinta Xisbiga Kulmiye Oo Walaac Ka Muujiyay Hogaanka Madaxwayne Muuse

Sanaag(HWN):-Siyaasi Cali Baashe oo ka mid ah siyaasiyinta Soomaliland ,isla markaana ka mid ahaa shaqsiyaaskii olalahii halganka lagu jiray jagada madaxwaynaha,ka mid ahaa dadkii olalaynayay xisbiga Kulmiye Ee uu ka mid aha madaxwaynaha hada talada haya ayaa Madal shireed uu ka hadlay dhaliilay xukumada Madaxwyane Muuse.

Siyaasi Cali ayaa ku eedayay xukumada inay ka gaabisay waxqabadkii gobolka Sanaag,gar ahaan konfurta Gobolka Sanaag, siyaasiga ayaa aad uga muujiyay walaac wayn xukumada uu garwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiga oo arimahaasi ka hadlayaa ayaa waxa uu Yidhi"waxii wax gashada ee wax u qabta ayunbaa shacabkan u adeegaya,arimaha bulshada ee hadeer laga hadlayay u qabta ayay racayaan,oo la shaqaysanayaan,cid loo xidhan yahayna ma jirto waxaan idin sheegayaa dalka intaa leeg,ee deegaanka intaa leeg degan yahay ee saxada leh hadii aan la ogayn,oo la dhexmarin wax kale ayaan odhan lahaa lakiin waa dal la yaqaano oo la dhex seexday,oo la dhexmaray, oo laga kaanbayn gareeyay,oo sanadiiq lagu guray,oo wax walba la sameeyay oo calamadoodu is dhafeen,hadana maanta waxa loo la dhaqmayaa si aan la aqoon"ayuu yidhi siyaasigu



Siyaasi Cali Oo Hadalka sii wataa ayaa yidhi"waxaanu leenahay waanu joogayna waanu jiraynaa,waana tashanaynaa,waxaanu imaansanaynaa dhaqankeena,waxaan leenahay deegankani maanta isku yimid waa deegaan awood badan leh,maxay ku leeyihiin awooda badan,ila ingriis dawlad ayay la dhaqmayeen,hadii dawlad la wayay waxa abuurmaya oo la abuurayaa,shirarka beelaha ee socda hoos ka soo bilaabanaya korbaanay tagayaan,marka shir guud la qabtana go,aan ayaa la gaadhi doona siyasadeed."ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray siyaasi cali

Siyaasi Cali aya lagu xasuusta inuu ahaa shakhsiyaadkii ugu dhawaa madaxwaynaha hatan dalada haya xiligi olalaha darashooyinka lagu jiray isla markaana olaleeeye wayn ka ahaa dorashadii uu madaxwayne Muuse ka soo Baxay Wana hadaladisani u maqdaan Mid walaac wayn ka qaba hanaanka uu hogaaminayo Madaxwayne Muuse wadanka Soomaliland.

Loading...
Loading...