U.S. Iyo Shiinaha Oo Heshiis Hor-dhac Ah Ka Gaadhay Muranka Canshuuraha

0
Thursday November 07, 2019 - 20:05:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U.S. Iyo Shiinaha Oo Heshiis Hor-dhac Ah Ka Gaadhay Muranka Canshuuraha

    Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in ay Shiinaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in ay Shiinaha
iyo Mareykanka isku raaceen dib u dhigidda qeyb ka mid ah canshuurihii dheeraadka ahaa ee labada dalba uu midba midka kale ku soo rago alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

 

Afhayeen u hadlay wasaaraddaasi, Gao Feng ayaa shir jaraa’id ka sheegey in haddii wada xaajoodyayasha labada dhinac ay isku raacaan inay heshiis gaaraan, ay labada dal ee Mareykanka iyo Shiinuhuba yareyn doono si isku mid ah oo isku waqti ah canshuurta la saaro alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

 

Labaa dal ayaa dhowr jeer oo hore isku soo rogey canshuuraad dheeraad ah oo la saarayo alaabo ku kacaya balaayiin dollar.

 

La taliyaha dhinaca ganacsiga ee Aqalka Cad Peter Navarro ayaa VOA u sheegey in wajiga koowaad ee heshiiska uu noqon doono maareynta cabashada Mareykanka ee siyaasadda ganacsiga Shiinaha.

 

 

VOA


Loading...
Loading...