Kadiyihii, Guusha Rayidka Tuunis. Q/4.aad Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.

0
Thursday November 07, 2019 - 17:39:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kadiyihii, Guusha Rayidka Tuunis. Q/4.aad Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.

    Haddalada Madaxwaynaha la doortay ee Tuunis sidaan hore usoo sheegnay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddalada Madaxwaynaha la doortay ee Tuunis sidaan hore usoo sheegnay


wuxuu ku tiraabay in dadka reer tuunis ay ka baxsadeen Qafaskii ay ku jireen, mar dambana ku noqon doonin. Taasi oo loo fahmay in dadku ka ilbaxeen harawsiga siyaasiyiinta guunka ah, ee dadka kala qo’qobay taasi oo dadka reer tuunisna rumeeyeen riyadiisii kursigiina gurada uga baxay.

Lis Dairy

Odhaahaha kale ee dadka soo jiidatay waxa kamid ahaa, mar la waydiiyay sida ay sheegayaan xarumaha saadaaliya codbixinta musharaxintu, uu aad uga horeeyo adigu Qays Saciid ahaan sideed u aragtaa. Waxa uu ku jawaabay "Wallaahi waligay ma raadin madaxtinimo, Jaah, iyo Maal midna. Kaliya in aan shacabka reer tuunis u adeego sidii askari difaacaya dhulka tuunis. Madaxtinimadu waa imtixaan iyo ibtilo mana rabo in qasriga Qardaash ee dalkaasi looga taliyo.


Mawjifyada kale ee bulshada soo jiitay ee diintooda taabanaya waxa kamid ahaa wixii barigii uu ku dhex qarqoomay Siyaad bare lana odhan jiray Xeerka Qoyska oo dawlado shisheeye dabada ka riixaan.


Mar uu ka hadlay Qays waxa uu yidhi "Qaddiyada Xeerka Qoyska waxaan ka qaatay mawqif cad marka koobaad masaladan dhinaca dhaxalka waxay ku caddahay kuna xardhantahay dhigaal Qur’aan ah, Mana furna meel lagu macno guuriyo dhigaal Quraan.”


Waxa kale oo uu xusay in 1981 mawqif uu qaatay madaxwaynihii hore ee dalkaasi Xabiib Burqiiba ka dib markii dad ku baaqeen in dhaxalka wax laga badalo oo raga iyo dumarka ah, haddal kaasi hore oo ahaa "Dhigaalka Quraanku waa waadix mana aqbalaayo macno guurin umana yaalo” waa markay ka hadleen guurka afarta dumarka ee diintu banaysay.


Waxa kale oo uu ka hadlay Qays Saciid in 2000 kii markii taariikhdu ahayd waxa jira qaraar baarlamaanka midawga yurub qaatay oo ahaa in xidhmooyin dib  u habayna lagu sameeyo tuunis, kuwaasi oo qaar taabanayeen dhinaca dhaxalka waxaanu yidhi  "Ma nihin baadi ama bustaan, balse waxaanu nahay dawlad iyo Qaran jira oo karaamo iyo  oo leh doorashadiisa gaarka ah iyo shacbi karaamo iyo siyaado doorasho leh.”


Waxa uu ka sheekeeyay markii 2011 kii kacdoonku dhacay dadka reer tuunis ma waxay ka kaceen sinaanta dhaxalka, horta dadka reer tuunis maxay dhaxlayaan oon ahayn dhibaato iyo faqri ragaadiyay, oo is dabayaala maalin maalinta ka dambaysa, shacabka reer tuunis waxay doonayaan in ay dhawrsoonaadaan karaamo ahaan iyo qaranimoba.


Mawduucan wuu ku dheeraaday maadaama kooxo wataa hadda kuna celiyay "Suurto galmaaha in arrimahooda gaarka ah ee shakhsiyadeed lasoo galo, waayo waa arrimahayaga maxaa ka khuseeya cid ajaaniba doorashadayaa arrimahaasina waxaa go’aamiyay dhigaal qur’aana iyo aayad waadixa oo aan xambaari Karin macno kale ka doonaya in uu caruurtiisa ka simo dhaxalka ha kasimo isagoo nool.”


Waxa kale oo dadka soo jiitay in aan marna la arag sida musharaxiinta kale Xaaskiisa oo daba taagan ama taageeradiisa fagaare ka muujisay ama ka muuqata, taasi oo dadka aad u soo jiidatay, markii la arkaayay isagoo kaligoo boodaya fagaarayaasha, kaliya waxa la arkay mar uu dhun kaday calanka tuunis iyadoo dhunkanaysa, waxa uu balan qaaday in qoyskiisu ahaan doono qoys ka fog xukunka oo lamida qoysaska reer tuunis.


Halka ay ka tahay gabadh sharciga taqaana oo lataliye sare oo maxkamadeeda, waana gabadhii u horaysay ee sharci yaqaana ee qasriga Qardaash gasha, haddana xukunka ka fog sida la filaayo saansaanta ilaa hadda. Taa waxa ka sii cajiibsan in magaca ma naanaysta caanka noqotay ee Marwada koobaad meesha laga saaray siduu ku balan qaaday ol’olihiisa kana dhabeeyay.


Waxa kale oo uu soo saaray in mansabkii lataliyaha sare ee maxkamadeed laga joojiyay joojin shaqo iyo mid bilaa mushahar ah muddo shan sanadooda ah ee uu madaxwaynaha yahay, si aanay iskaga hor iman shaqadiisa iyo teeda garsoorkuna ahaado mid madax banaan oo gacmo kala lagu tuhmin. Gabadhiisaanu ka dalbaday doonistaa in shaqdeeda joojiso si daah furnaan loo dareemo. Halka qaar ku eedeeyeen in xuquuqdii dumarka meel kaga dhacay balse looma joojin.


Waxa kaloo uu sheegay "in arrinku uu ka sareeyo kana gun dheer yahay in la doorto qof oo war qad lagu rido sanduuq balse dadkaygow waxaan u baahanahay in dib loo soo celiyo lana dhiso aaa’aas cusub, iyo calaaqaad kalsooni ku dhisan oo cusub una dhaxaysa madaxda iyo dadka, waana in dawladu soo celiso doorkeedii bulsho, karaamada waddankuna waa karaamada muwaadiniinta.”


Halka uu ugu baaqay cid kasataa oo xadkasta uga gudubtay nolol, abaalooduna noqday in dhimasho la jaaraan, aan ku dhaqaaqno barakada Rabbi (swt) isagaan kaligii caabudnaa isagaan uunbaan kaalmo ka sugnaa”’ aan dhaqaaqno doonis badhax la’ iyo abuurida taariikh cusub oo ku taagan, halku dhig’gaan doortay "Idinka, Shacbigaa doonaya”


balse inta badan waxaa la bartay qaabka loo curyaamiyo ummadaha oo ah in xoogag siyaasadeed oo awood badan laga dhex abuuro, kuwaa oo buuq iyo mashquulin ku furo umadahaasi, halkaasi oo isla jaanqaadku noqdo timahaa iskugu duuban sidii uga gudbaa waa hal xidhaadle u yaala Madaxwayne Qays Saciid, oo soo dhaafay qaybtii hadalka una gudbay dhinaca ugu adag oo ah shaqada gacanta ama dhaqaajinta mawjado waayan oo hurdo hirdidooda iyo haraatidoodana qaar hore aanay mahadin sida Madawayne Mursigii Masar. AHN.

Qalinkii Axmad Cali Kaahin                                                                                             

[email protected]

 

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...