Dhibbane Jacayl
Aabbaha Xaawi, waxa uu ahaa nin shaqaysta oo muruqmaal
ah. Halka aabbaha Xasanna ka ahaa nin Ganacsade weyn ah oo magaalada laga
yaqaan.
Xidhiidhkoodu wuxuu socday muddo 2 sano ah. Sannadkaas waxay noqdeen dad la yaqaan xidhiidhkooda. Wiilasha jeclaysta Xaawa inay haasaawe wadaag noqdaan waxay markiiba ogaan jireen inay Xaawi, xidhiidh qoto dheer oon jirriddiisa la rujin karin la leedahay Xasan.
Xaawi waxay jeclayd in ay markay dhammaysto dugsiga sare
gasho Jaamacad dibbadda ah, hase yeeshee nolosha qoyskeedu umay ogolaan
Jaamacadaha dalka ka baxsan. Halka
Xasanna isaga looba xareeyey Jaamacad dibbedda ah isagoo dhammaysan fasalkii
saddexaad ee dugsiga sare. Waxay isku afgarteen in jacaylkoodu ku soo jarmo,
yagleel guri iyo inay noqdaan qoys ballaadhan markay dhammaystaan dugsiga sare,
ka dibna isagu u baxo Jaamacadda uu doonayo ee loo xareeyey.
Sannad ka dib waxa u dhammaaday dugsigii sare,
imtixaanaadkiina waxa loo soo dhajiyey 3
billood gudahood ka dib. Labadooduba waxay keeneen darajo lagu farxay, waayo?
Aad bay ugu fiicnaayeen waxbarashada. Sannadkasta waxay kaalmaha hore ka gali
jireen dugsiga ay dhigan jireen.
Xasan, waayadan danbe waxaad mooddaa in uu yareeyey
xidhiidhkii Xaawa! Xaawi markasta oo ay la xidhiidho waxa uu ku gaabsan jiray,”
Mardhaw han kula soo hadlo hawlbaan hayaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaabsan
jiray. Maalmihii hore waxba kamay soo qaadi jirin, hase yeeshee waxa badatay
hawsha uu sheeganayo. Way garanwayday waxa sidan ugu wacan. Waayo? Umay baran,
maalintii toddoba jeer haddii aanuu la soo hadlin cunto kamay degi jirin.
Segsaagiisu hadday socotay muddo 3 billood ah, waxay la socodsiisay arrinkii,
hooyadeed balse hooyadeed way u caqli celisay waxay u sheegtay in ay dulqaad
samayso intay samayn karto. Waxay u
sheegtay Raggu markay wax maaggan yihiin inay hadalka ka gaabsadaan, waxa kale
oo ay u sheegtay Raggu markay wax doonayaan ama ay tabanayaa in loo dhug
yeesho. Inkastoo hore loo yidhi, "Waayeel korkiisu waa wada indho” wax aan
inanta u muuqan ayaa hooyadeed u muuqday.
Waxaa u muuqday in uu wiilkii aanay ka seexan jirin inanteedu isla markaana la soo hadli jiray markasta uu si toosa uga jeedsaday. Waxa kaloo u muuqda in aanu guur, diyaar u ahayn!
Wixii intaa ka danbeeyey wuxuu jaray xidhiidhkii,
Xaawa. Uma dulqaadan karto Xasanbaa
maanta kaa sii jeeda, uma dulqaadan karto Xasan wuu ka duldoorsaday. Xidhiidh
xumadii iyo segsaagii Xasan waxa ka soo
wareegay muddo 1 bil ah. Habeen habeenada ka mid ah ayey ku ballamisay goob ka mid ah goobaha lagu caweeyo si ay toos uga maqasho
waxa uu damacsanyahay. Haddii la casheeyey waxay gudo gashay waydiintii ay u socotay.
"Xaawaay adiga la’aantaa ma noolaan karayo adba waad ogayd balse guurkeenna
hadda diyaar uma ihi. Jaamacadda markaan soo dhammaysto haynu is guursanno
keliya waa 4 sano iyo 2 sanoo kaloo lagu daray, lixdaa sano anba waan ku sugi
lahaaye i sug.” Ayuu hadalkiisii ku soo
afmeeray! Nacasanaa. Waa gabadhee ta sugaysa nin lix sano oo cir iyo dhul looga
iman? Isagu se’ muxuu iskaga soo qaadi waayey ma isagaa haddaa sugi lahaa?
Xaawi waxay ahayd inan Illaahay ku mannaystay Aqoon iyo Garaad badni, dulqaad iyo
dareen wacan.
Kumay degdegin ka falcelinta, duryanka Xasan waxayse’ ugu
halcelisay,” Waa inoo toddobaadka soo socda iyo halkan isla maalinta Axadda
anigaa ku soo siin doona warcelin dhammaystiran. Wuu ka yeelay balse wuxuu
doonayey in ay degdeg ugu tidhaa,” Waar na dhaaf ballaayaa ku guursata wuxu
muxuu ahaa?” Balse may odhan.
Iyadoo cago jiid ah ood mooddo qof Geeri loo soo sheegay
ayey ka soo dhaqaaqday goobtii ay iskugu yimaadeen, Foolkeeda naxdin badan ayaa
muuqday, jidhkeedana tin iyo cidhib xummad baa qarqisay. Aadbay u
oommantahay oo Hunguri cadkaa qallalay.
Durtaba diifta ka muuqata dusheedaad ka dareemaysaa. Waxay u soo hollotay
dhinacaa iyo gurigoodii iyadoon joogin Adduunka, Aakhirana tegin!
Goor cawaysa ayey durbadiiba ku soo noqotay gurigoodii.
Waataas iyadoo marooro dillaacsan, hooyadeed boggeeda ku dul dhacday, waataas
baroor qabsatay. "Hooyo, Xasan wuu i nacay.” Ayuu noqday hadalkii kowaad ee ka soo baxay Afkeedu. Maxay la barooran
ma waxay ugu horreysay mid laga tago, "Miskiin” dhe’ iska daa jacaylkaa ugu
horreeyee. Iyada cidiba may guursane, immisa Raggaa ka daldoorsaday
haweenkoodii oo carruuro u haya? Tiro ma leh. Hooyadeed inbadan ayey u caqli
celisay. Waxay uga warrantay dhibaatooyinka jacaylka ugubka ahi soo maro. Waxa
kale oo ay u sheegtay in Rag oo dhami isku mid ahayn oo laga helayo mid
wanaagsan iyo mid xun. Taasi waxay u raacisay in ay heli doonto mid Xasan ka
wanaagsan, oo koolkooliya weliba "Ha dhicin ha jabin.” Gura. Haddii boggeedii
hooyadeed ku baroor dhammaystay, aabeheed ayaa yimi aqalkoodii oo shaqadiisii
maalinimo ka yimi.
Markuu ogaaday siday wax u dhaceen ayuu go’aansaday in uu
arroortaba warraysto yarkii Xasan ahaa. Muxuu ugu tegayaa odaygu wiilkan cirka
isla maraya? Ma Xaashidii furniinkaan inantaada siinayaabuu ku yidhi? Mayee
aabbuhu wuxuu u diiddayaa inantiisa, wadne xannuun iyo inay marooro dillaacdo.
Waana aabbe garanaya illaalinta ubadkiisa.
Arroortii, hadday gaadhay odaygii wuxuu la kulmay yarkii
Xasan ahaa. Waydiin iyo wercelin dheer ka dib odayga waxaa u muuqatay in aanuu
yarkan yari diyaar guur u ahayn. Oo maxaa marka hore waalayey ee u lu’goynayaa
miskiintan yaree Xaawa? Mooyi. Dee Jacayl aan jiho lahaynbaa ku dhacay maxaanu
ka garan. Aabo Cali, waa Xaawa aabbeheede wuu ka soo noqday waxana uu inantiisa
u sheegay in aanay ka sugin Xasan, "Mustaqbal nololeed” "Aabbo beddel
barakaysan ayaad heli.” Ayuu ugu dhisayaa inantiisa si aanay waxyeelo u soo
gaadhin. Toddobaad ka dib waxay go’aansatay in ay u sheegto go’aankeeda Xasan.
Haddii lagu kulmay barradii lagu ballamay, waxay u sheegtay inay caawa iskugu
danbayn doonto isna doqonniimadiisa wuu ka yeelay. Nasiib darranaa ninku! Wixii
intaas ka danbeeyey waxay noqotay Xaawi, maqane haddana jooga, macag-u-yaal
haddana meel dheer kaa xigin.
Xaawi cunto iyo cabitaan way ka go’day balse maxay ugu taalaa kii Xasan ahaana wuu iska dhoofay oo warba kama hayo. Nasiib darrane wuxuu ka tegay, gabadh jeclayd oo ku jeclayd ardaynimadiisa.
Xaawi waxay la ildarnayd jacayl aad u baaxad weyn muddo badan welina la ildarrantahay. Waxay noqotay Dhibbane Jacayl oo aad u nugul. Xasuus aan dhammaad lahayn ayuu ku noqday Jacaylka Xasan.
Dhammaad
Fiiro gaara: Sheekadani, waa sheeko la iiga sheekeeyey aniguna aan ku cabbiray qalinkayga.
W.Q: Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
Facebook: Faadumo Buuni
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!