Qofna Islama Yaabo ilayn Af-Dulaaq Baaba Dr Gaboose Wax Ka Sheegaaya'e ( Abdi-Shotaly).
Wakhtiga baa iska caynka ahoo, af-dulaaq wuxu ka dhigan yahay, murti Hore loo yidhi oo ahayd " Riyaha ceeb-toodu debedda taalo, baa idaha asturan la yaaba" Isaga oo halkii la saraaba ay ceeb dareerayso, malaxi dinisayso, kaaga soo uraaya bidhaan arag, baa ku turtay maana Dr Gaboose. Haday tahay tuuganimo, nacasnimo, dhataq-lanimo, qabiilayste ka ugu xun, awr-kiraale ah, buu nasiib darradda jirta, ilayn waa wax aan xayo lahayne iyo xishood mid-naba'e, uu Dr Gaboose oo siduu daba uga baydhay xoogiisa cunaayey, ah dhakhtarka ugu weyn ee Somaliyi leedahay, weliba ka keliya ee ku takhasusay Maskaxdda bani'aadamka ee qudha ah, uu doonayaa in uu wisikh-diisa ka dareeraysa uu marmariyo, akhristaw saw waxaan meesha qaban iyo u qaadan waa maaha.
Nin baa laga hayaa " Hadaan cali uraayaw ceeba-haaga geline". Waa duni ninkii ragga ahaa, ay injiri rifasaaye sidda Gaboose, oo weliba loogu sacab garaacaayo, oo runta la leeyahay maxaad u sheegaysaa, ee aad sira-hayaga u qarxinaysaa, waa duni aan ku kala socon sharci iyo sidda loo kala mudan yahaye, oo nin liita iyo laguma dhaamee dhaqaaq, ay calanka ka lulayaane, af-dulaaq daayoo ( isagu dad-ba maahee), ninka aqoon iyo cilmi ugu imanaaya Dr Gaboose ee Maamul Hargeysa ku nooli waa kee? Tani nin u jira inta cirka iyo dhulku isu jiraan, oo aan barbar iman karin, bay isku dhereri-saaye, miyeynu ka siisanaa Af-dulaaq baaba xumaan ku sheegaaya Dr Gaboose, oo rabbi u dhameeyey wanaage. Waa nin daacad ah, oo aan ku dhaqmin qabyaalad, tuuganimo, eex kala saarta ummadda, iskii u shaqaysta, wax yaabo badan u qabtay dalka, oo lacagtii faraha badnayd ee debedda loogu diri jirey dadka u badbaadiyey, waa nin Alle yaqaane, oo xoogiisa ku nool, wax uu dadka taro mooyee, aan wax-yeelaynin. halka uu af-dulaaq hantidda ummadda ka dhistay daaraha waaweyn, bal halkuu ka shaqeeyey, ha soo sheego, lacagtii uu Sucuudiga kala soo baxsaday-na, waa tii kaga dhamaatay, siduu geed qaad ah u cunaayey, Wasaaradda " Doqon ma waydo-na" aqoon iyo raganimo kumuu iman, ee awr kiraa-lanimo, qaraabo-kiil, iyadda oo loo adeeg-sado, nin uu afka la dhaco rag sharaf leh, war-baahinta oo la yidhi cabudhi, sidda Hadhwanaag iyo Jaraa'idka qaar oo uu xanibay, iyo TV-yadda gaarka loo leeyahay. Waxan ku soo dabray, haday cidi isla yaabi lahayd, waa adiga kii is aasi lahaa, ee is baro waxad tahay, inta aanad hantaaticin, cantabadda ha daadine.
* N.B Af Noolina Wuu Hadlaa Eyna Wuu Ciyaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!