Madaxweyne Biixi Ka Yeeli Mayno inuu Dhulkii Sacad Muuse u Qeybiyo Ciise Iyo Samaroon isaguna Baloodhada Masaakiinta Dib Ugu Soo Noqdo

0
Thursday November 07, 2019 - 08:46:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Ka Yeeli Mayno inuu Dhulkii Sacad Muuse u Qeybiyo Ciise Iyo Samaroon isaguna Baloodhada Masaakiinta Dib Ugu Soo Noqdo

    Qabrigii Faahiye Haroosh, iyo Kii Kulmiye-Sanjab ayaan Ciise iyo Samaroon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabrigii Faahiye Haroosh, iyo Kii Kulmiye-Sanjab ayaan Ciise iyo Samaroon
u Qeybinayaa Waxaan Caqliga galeyn Weeyi Waxaynu Wada ognahay in Muuse Rabiile Good oo Awood kulahaa Xukuumadii Milatariga ee Taliskii Ina Siyaad in uu Reerkoodii kasoo Dajiyay dhulkii Buuraha ahaa ee illaahay dajiyay kuna beeray Islamarkaana, uu soo dhex qaadsiiyay isagoo Awooda uga Faa,idaynaya ugana qaadaya dhulkii ay Deganaayeen Jibriil-Abokor dhulbeereedyadii Mashruuca Ceelbardaale ee Xeebta Waqooyi.



Waxeynu Wada ognahay in aan Ciddina Dafiri Karin in Beesha Ciise iyo Jibriil Abokor Xuduuda u Dhaxaysaa aheyd Meesha Layidhaa Laanta-Cawdda dhinaca Barina ay aheyd Deegaan Sacad Muuse Sinta isku hayyo, iyadoo Degmada Lughaya ay horeyso iyo Dambeysaba katirsaneyd Degmada Gabiley haseyeeshee, Sidaa aynu Soo Xusney Muuse Rabiile Good awoodii Kacaanka isagoo Isticmaalaya uu Sanadihii Sideetamaadka horaantiisii Xayiraad Saarey in Degmada Lughaya katirsan Tahey Maamulka Degmada Gabiley Miyay Suurtagal Tahey in Maanta Beelaha Ciise iyo Samaroon Gargaara Bari ay Ku Murmaan Waxa ay Sababtu tahey Waa Deegaan aan Labadooda Midna Shaqo ku laheyn oo Laga barabixiyay Dadkii Asadka u lahaa ee ay Deegaankoodii aheyd.


Dadkii halkaasi lahaa Waxa ay Bilaabeen Halgan Dheer oo adag Waxaanay ku Guuleysteen in ay Dhulkoodii Dib u Xoreystaan Beesha Samaroon ee hada Ku Murmeysa Deegaanka Gargaara Barri Waxey Dib ugu Noqdeen Deegaanadii iyo Silsiladii Golis ee ay Kasoo Degeen, Waxaanay Isugu Biyo Shubteen Xuduudkooda Meesha Layidhaa Fardo-Lagu Xidh Wakhtigii Madaxweynaha Maantu uu Wasiirka Arimaha Gudaha ka ahaa Xukuumadii Marxuum Cigaal Wuxuu Madaxweyne Cigaal ku Dirqiyay kana Dhaadhiciyay in Quwadii Ciidan ee Jibriil Abokor oo ubadnaa Dadkii Deegaanadaasi Awoid iyo Mar lagaga Soo Saaro Guutadii 99aad Xeebta Galbeed oo dhan Waana Qodobka Kaliya ee Xukuumadii Marxuum Cigaal ku Dhaxal Wareejisey Deegaanadii Dhulka Jibriil-Abokor iska daa Gargaara oo Cali-Xaydh iyo Isha Gudban Waxa uu Muuse Biixi hoos geeyay Gobolka Awdal Waxaanu Dhulkaa ka Jarey Maamulkii Degmada Gabiley ee ay katirsanaayeen.


Sikasta oo loo eego Arimaha ugu adagi Waxa ay Noqonayaan in Mar Kasta ay isweydaarsan yihiin Dadka kasoo Jeeda Gabiley ee Beesha Jibriil-Abokor iyo Ninka Maanta Madaxweynaha ka ah Somaliland Muuse Biixi oo at isku Yihiin Maanbarey iyo Maan Bilaal Sababtoo ah Maalintii u Dambeysay Wuxuu afgobaadsi ku lahaa Waxa aad Xaqa u leedihiin anniga Magacayga haku Waayina Hadda isagii ayaa intaas oo Sanadoid ka Shaqeynayay in Dadkan La dhaafiyo io laga Dhaxal-Wareejiyo Deegaanada iyo Dhulkii ay lahaayeen dadkii halkan kasoo jeedayna Ma Baraarugsana oo masoo jeedaan. Sideebay isku Qabanayaan Aniga dartey haku Waayina iyo in uu Usagu ka shaqeeyo in ay Dadkasi Waayaan Dhaxalkoodii.



Najiib Ismaaciil Maxamed 
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...