Beesha uu ka soo jeedday Taliyihii hore ee Ciidanka Boolisku sideebay u arkaan In Madaxweynuhu ka Qaadday Xilkii Taliyaha Booliska?

0
Wednesday November 06, 2019 - 13:32:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 10094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha uu ka soo jeedday Taliyihii hore ee Ciidanka Boolisku sideebay u arkaan In Madaxweynuhu ka Qaadday Xilkii Taliyaha Booliska?

    Beesha uu ka soo jeedday Taliyihii hore ee Ciidanka Boolisku sideebay u arkaan In Madaxweynuhu ka Qaadday Xilkii Taliyaha Booliska?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha uu ka soo jeedday Taliyihii hore ee Ciidanka Boolisku sideebay u arkaan In Madaxweynuhu ka Qaadday Xilkii Taliyaha Booliska?
Hargaysa(HWN):-Waxa maalintii shalay uu Madaxxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu Taliyaha Ciidanka Booliska u magacaabay Sarreeye Guuto Maxamed Daba-gale, kadib markii uu geeriyoodday Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciiddanka Booliska sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la filaayay inuu Booskaas ku celiyo oo u magacaabo Sarkaal ka soo jeedda beeshii awalba haysay, ayaa sida muuqata waxa uu ka door-biday inuu iskaga aamusiiyo, isla markaanna uu ku kala jebiyo beesha mucaaridada ugu wayni kaga timaado ee Habaryoonis, waxaannu Madaxweyne Muuse Biixi is tusay in sida kaliya ee uu isaga aamusiin karo beeshaas ay tahay innuu siiyo labadda Taliye Ciiddan mid uun, waanna sababta uu hadda u siiyay booskii uu banneeyay Taliyihii geeriyoodday ee Ciiddanka Booliska Somaliland


beesha uu ka soo jeeddo Taliyihii hore ee Ciiddanka Booliska Somaliland Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka xumaadday sida uu Madaxweyne Biixi uu uga qaadday Xilkii taliyaha Ciidanka Booliska oo ay beel ahaan muddo dheer soo hayeen, isla markaanna aannu boos kale oo u dhigma ugu badalin Xilkaas uu ka wareejiyay, hase ahaatee Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi suurta-gal ma tahay innuu Xilkaas ugu badalo Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, maaddaama ay saamigga Xukuumadda booskaas uun ay joogeen marka loo eego Xilalka waa wayn ee Xukuumadda.

Sidoo kale, suurto-gal ma tahay in Culayska mucaarideed uu kaga yarraado, maaddaama ahmiyaddiisu ahayd Xukun oo qaybi, isla markaanna ujeedkiisu ahaa innuu isu adeegsaddo, iyaddoo uu karbaash uga dhigaayo Taliyaha cusub ee uu siiyay.

Haddaba, Siyaasi ka tirsan Xukuumadda, isla markaanna ka soo jeedda beesha Arab oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sidan nala wadaagay "Runtii beeshu saami buurran oo u qalma Xukuumadda kamay ahayn. Waxa ugu wayn ee ay hayeen wuxuu ahaa Taliyaha Ciiddanka Booliska, markaa booskii taliyuhu ka baxayna waxa uu Madaxweynuhu siiyay beesha Habaryoonis, markaa waxaan qabaa innuu Wasaaradda arrimaha gudaha noogu badali doonno" ayuu yidhi Siyaasigaasigaasi oo magaciisa ka gaabsaday innuu sheego.

Si kastaba ha ahaatee talaabadan uu qaadday Madaxweynaha Somaliland ayay waxgaradka beelaha Arab ku tilmaameen badheedh uu madaxwaynuhu u badheedhay in beesha laga qaado xilalka mihiimka ah ee ay hore u haysay, loona magacaabin badelkoodda, hase-yeeshee waxa la iswaydiinayaa qaabka ay beelaha Arab uga jawaabi doonaan sida uu Muuse Biixi uga duudsiyay saamigii ay beel ahaan Xukuumadda ka hayeen.

Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...