'' Digtoor Gaboose ''.

0
Wednesday November 06, 2019 - 09:31:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 4298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Digtoor Gaboose ''.

    Sanadkii 2001 ayaa Digtoor Maxamed Cabdi Gaboose iyo Dr Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 2001 ayaa Digtoor Maxamed Cabdi Gaboose iyo Dr Saleebaan
Cabdi Guuleed ku dhawaaqeen urur la odhan jirey ururka Islaamiga somaliland , ayaamahaas ka dib , AYAANU koox dhalinyaro ah oo aan ka xasuusto .

- Dr C/raxmaan Xasan Nuur.

- Dr Digaale .

- Khadar Omar Ahmed.

-Naasir xaamud , Xasan kaarshe iyo qaar kale oo badani aanu isu nimi .

Waxaanu samaysanay urur cusub oo dhalinayarro oo la yidhaahdo Dahab ,oo xafiis , xeer iyo maamul dhan leh .

Dr Gaboose iyo ururkiisii ,Urur kale oo la odhan jirey UBSL oo uu madax ka ahaa Maxamed A Iskeerse , siyaasiyiin madax banaan oo uu ku jirro Warancadde iyo kooxo baarlamaanka iyo Snm tii isugu jirra ayaa isu yimi , waxaanay sameeyeen urur cusub oo la magac baxay SAHAN .



Sahan markii laggu dhawaaqay , waxaanu noqonay ururkii koobaad ee ku biiray , waxaana xaflad lanoogu qabtay Gurigii gudoomiyaha Xisbiga ee Gobolka oo la odhan Jirey Abaadir , oo ku yaalay dhinaca danbe ee Hoteel Ali Jirde .


Xafladaas oo dhacday November 2001 , waxay noqotay xafladii koobaad ee ururku qabsaddo , munaasabadii koobaad ee aan kagga qayb galo hawl xisbi iyo masrixii uug horeeyey uguna danbeeyey ee aan Ruwaayad kusoo bandhigay kana heesay , waayo waayo .


Raggii maalintaa aanu goobtaa ka wada hadalay waxaa ka mida ahaa , Gudoomiyihii ururka Prof Maxamed Omer jiir , Dr Gaboose , iskerse , Warancadde iyo Madaxwayne muuse Biixi .


Nasiib wanaag , cajadii maalintaa la dubay waxaa haya Saaxiibkay Hasan C/qaadir kaarshe oo London jooga waana kayd taariikheed .


Waagaa Mucaaridka ugu wayn ee diiwaan gashan ee xukuumadda la tartamayay wuxuu ahaa ururkayagaa sahan , Muxaafidkuna wuxuu ahaa Udub .


Ururka Udub wuxuu lahaa garab aad u firfircoon oo dhalinyarro oo la odhan jirey Saxansaxo , Ururka sahana ururkayaga Dahab ayaa garbka dhalinyaradda u qaabilsanaa..


Saaxadduna maalmahaa waxaya ahayd ,

SAHAN VS UDUB .

SAXANSAXO VS DAHAB .

waa uun 18 ka hor intii aan miskiin kan yarre noqon ganacsadaha , ma ila socotaan .

 

W/Q: Axmed Nuur Guruje.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...