Taliye Fadal muu ahayn Taliye Boolis oo qudha ...

0
Wednesday November 06, 2019 - 09:03:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Fadal muu ahayn Taliye Boolis oo qudha ...

    waxa uu ahaa Suldaan dadka isu soo dhaweeya ooTaleefankiisu mar kasta furnaa !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa uu ahaa Suldaan dadka isu soo dhaweeya ooTaleefankiisu mar kasta furnaa !

Asalaamu Calaykum

Waxa lagu jiray Bil Ramadaan waxaanay ahayd 24kii bishii June ee Sanadkii 2016, waxaan Hotelka Maamuus ee ku yaalla dhinaca bari ee magaalada Hargeysa aan kula Afurayay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Garsoore Axmed Halac Dalmar iyo Garyaqaan Waliid Saryan oo ka mid ah saraakiisha Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland.



Markii aanu afurnay ayaanu u kacnay Salaadii Makhrib oo aanu ku soo tukanay Misaajid ka danbeeya oo dhinaca koonfureed kaga beegan Hotel Maamuus, salaadii ka dib ayaanu Hoteelkii ku soo noqonay si aanu u soo cashayno intaanaan Taraawiixda gelin.


Markii Cashadii la noo soo dhigay ee aanu bisinka u qabanay ayaa Taleefankaygii dhacay oo la soo garaacay, waan qabtay waxaana i soo garaacay inan Ifraax la yidhaa oo ahayd inan shaqaale ah oo gurigayga joogtay, waxaanay igu war gelisay in gurigaygii Xabado lagu riday iyada oo ooyaysa oo aad u naxsan.


Markiiba Taliye Fadal ayaan Mobilekiisa garaacay oo aan u sheegay in gurigaygii Rasaas lagu riday, aniga oo hadalkii u wada oo maqlaya ayuu markiiba Fooniyihii ka hadlay oo uu hoggaankii heeganka ku amrray in ay degdeg ay ugu yaacaan gurigaygii oo meel cidlo ah oo Masalaha agtiisa ah ku yaallay, dhinaca galbeedna ka xigay Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal International Airport.


Aniga iyo Garsoore Dalmar iyo Garyaqaan Waliidna degdeg ayaanu usoo kaxaysanay gaadhi Xaajiyad ahaa oo uu Gudoomiye Dalmar watay oo ay lahayd Maxkamada Gobolka Maroodi jeex.


Waxaanu soo gaadhnay gurigaygii oo ay Ciidankii Boolisku ku hareeraysan yihiin isla markaasna ay ku sugnaayeen Xaaskayga iyo Carruurtayda oo maalmahaas Dalka Ingiriiska ka yimi sidoo kalana ay joogeen Xaaskayga Walaasheed iyo Carruurteeda oo iyaguna ka yimi Dalka Maraykanka.


Ciidankii ayaan salaamay waxaanan markiiba weydiiyay sida wax u dheceen waxaa kale oo aan waraystay dadkii guriga joogay oo ii sheegay in Rasaas lagu riday guriga laakiin aan cidina waxba noqon laakiin cabsi aad u xoog badani gashay, waxaana aad u ooyayay carruurtii guriga joogtay.


Markiiba waxaan Taleefan u diray Wasiirkii hore ee Wasaarada Xanaanada xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maalmahaas aanan isku san banaanayn oo xoogay xurguf iyo shaki ahi naga dhexeeyay oo aan tuhmay.


Taleefankii markii uu iga qabtay ee uu yidhi Hello ayaan ku ganay hadalo aad u qadhaad oo cay iyo hanjabaad isugu jiray, waxaana Mudane Cukuse uu iila hadlayay si Masuuliyad iyo dulqaad iyo waayeelnimo ay ku jirtay, waxaana uu igu lahaa Inaadeer ma nabad qabtaan, reerkii ma wax dhib ah ayaa gaadhay, Kaysar is deji iyo hadalo kale oo Masuuliyad iyo Gobonimo ay ka muuqatay, aniga oo waliba hadalo cay iyo hanjabaado aad u qallafsan ku ganaya ayuu hadana Cabdilaahi Cukuse aad ii dejinayay iina caqli celinayay ….


Waxaa markiiba guriga iigu yimi Mudane Maxamed Yuusuf oo xiligaas ahaa Maareeyaha Madaarka Hargeysa imikana ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha iyo Mudane Muuse Selef oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Hay’ada Duulimaadyada Somaliland.

La Soco ….

Wasiir Kaysar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...