Dr Gaboosow Dadka Waxa Kala Qaybiyey Ninkii Doorshada Lagaguulaysatey Ee Diiday!

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:57:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Gaboosow Dadka Waxa Kala Qaybiyey Ninkii Doorshada Lagaguulaysatey Ee Diiday!

    Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan, gaar ahaanba,"ascww"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan, gaar ahaanba,"ascww"

Intaasi ka dib maanta waxaa saxaafada gudaha somaliland gaar ahaan Hargeysa la  hadlaayey Dr maxamed cabdi gaboose, runtii anigu Dr gaboose waxa uu ahaa dadka aan taageersanaa ,una hanweynaa balse hadalkiisa maanta wey ka hoostay erayada uu  isticmaaley, sida jeegaan iyo wax la midka ah.


Dr gaboose waxaan moodaaye in uu fahansanyahey macnaha dimuquraadiyada oo ah in qof kastaa codkiisa xor u yahey magaca uu doono ha sito e in lagu aflgaadeeyana aaneyn habooneyn,
Hadaba Dr gaboose ma waxa uu caayay dadka codkooda bixiyay?.

Mida kale dr gaboose hadalkiisa waxa ka muuqda cadho badan,daadufayn, iyo aflagaadooyin qaaawan.
 Hadaba Dr gaboose miyaanu ogayn in gudoomiyaha Xisbiga wadani diiday natiijadii doorshada ee lagaga badiyey dadkana been u sheegay oo uu yidhi waa la iboobey?, haduuse hadlaayo miyuu nin walba runta u sheego waxiisu ma hiilbaa?

Ugu danbeyn waxaan odhan lahaa Dr ka ,dadku codkooda waa u xor ninka leh maxaa la iga badiyey iyo hadii la iga badiyey dhulkaan gubayaa oo hala rogmado waa Xisbigaad ka tirsaneyd. Ee wadani ee ogow.

Dadkana waxaan jirin how sheegin nin qaran ayaan kuu haystay balse maanta waxaad noqotay nin qabiil.

Qore: Tahir hussein

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...